“Dhudi Iyo Curadkeedii Cali-dhawaaq” Sheeko Taxane ah. W/Qoray: Maxamuud Axmed Oday -Qormadii 8aad.

Haddii ay hal cabbaar ah nasteen, oo inammadiina uu dusha kala socdo, oo geelashii ceelka ka soo galab-fulay, iyo cagtii baadi-doonkuba go’day ayuu bilaabay inuu dabkii shido. Dabka iyo siidhigu waa labada shay ee habeenkii laga dugsado dhawrta iyo dhaxanta. Kolkii dabkii si fiican ugu baxay, ayuu Faarax-goray bilaabay inuu geelii godlo. Caawa waa habeenkii labaad oo uu guul-oomman yahay geelu, sidaa darted, caawa loogama jeedo caano badan, maxaa yeelay laba maalmood oo uu socod ahaa, midna si wanaagsan uma gaajo-beelin. Dhanka kale, sabada ceelka oo xaaluf ah, iyo qabowga aroorradan ay xeryo-guulladu ku yaallaanna, waa saamayn kale oo taban, oo geela aroorka ah xaaladdiisa wax ka beddesha. Faarax-goray, isagoo taas fahamsan, ayuu geelii intuu godlay, dhawr halaad oo midabkoodu isku dhow-dhow yahay mid walba xag-lisay, waa madow-bacad, tin-biciid leh, oo dhaxanta dayra-dhaafka ah iyaga uun hadhuubka lala galo.

Habeenkaa, caanaha lafahooda ayuun bay uga dher-geene, sibraarkii waxba laguma shuban, maxaa yeelay, geelii la godlay in badan baan hadhuubkaba lala geline loo daayay nirgihiisa oo keliya!

Jarmaado hore, ayuu geelii oodda ka duway, kolkaasuu markuu waddo-ceeshii ku riday, isagu hore uga maray, si uu u diyaarsado dar iyo kaalin uu ka waraabsado geela. Faarax-goray, sida uu ku talo-jiro yeelka uu geelu ku cabbayo iyo fara-maalka la waraabinayaba wuxuu ka helayaa, kabadhaha garab-raratada ah ee ku yaalla darka ceelka.

Malihiisii waa u rumoobay, oo wuxuu ceelkii ka helay laba ka mid ah raggii caanka ku ahaa waraabinta geela, ee dur-duur iyo rakaadba geelu ku cabbi jiray heestooda.
Saaka, Cali-mahad lama saarin hashii gaydho. Ceelkii oo dhow aawadii, iyo iyadoo la doonayo inuu noqdo wiil kaalintiisa buuxiya aawadeed ayaa saaka aan loo saarin maraq-saarka hashii Gaydho! In kastoo uu cago-cad yahay, wuxuu wax ka soo kexeeyay geela.

Markay libdhadu dhulka iska soo jartay, ayuu Cabdi-gaas geelii soo tubay gegidii laga hori lahaa. Faarax-goray ayaa isu joojiyay geelii, oo Cabdi-gaas iyo Cali-mahad-na ugu yeedhay inay geela xagga hore ka soo maraan, si ay u horaan.
Intuu xaggii ceelka ku noqday, ayuu Faarax-goray qabtay, xadhigga wadaantii oo uu doojiyay ninkii xadhigga la hayey. Waa gara-nuug, aad loo aslay, oo isaga iyo nin-nin dhif ahi uun uu wax ku waraabsado. Soo saar! iyo heestii geela lagu waraabinayay ayaa quyar-quyar u bilaabatay.
Hobaley! Bisiinka Allaa;
Hobaley! Loo Bilaaboo;
Hobaley! Loo Baryahayaa!
Gandaalkii markii ay buuxiyeen, ayuu Faarax u dhawaaqay inamadii, oo ku yidhi “Hora!”

Muddo laba saacadood ah, ayaanay foodda-qaadin Faarax-goray iyo labadii nin ee fara-maalka ahaa, oo horayda iyo heestu is-daba maraysay.
Hobaley! Marmar Jiiclow;
Hobaley! Haygu Jiifine;
Hobaley! Aan Mar Jimicsado;
Oo uu ula jeedo marka geela cabbitaankiisu uu dhaw-dhaw yahay, ee uu arko geelii cabbay oo soo laba-noqonaya!

Hobaley! Jeerood Aragtaan;
Hobaleey! Inammada iyo;
Hobaley! Ul La Daba Sido;
Hobaley! Awrkii Qoodh iyo;
Hobaley! Aaran Baa Maqan;
Hobaley! Oo Ma Wada Iman.
Barqo dheer, ayuu isu-fuliyay geelii. Kolkaasuu fadhiisiyay, si ay biyuhu ugu degaan una diirsado. Hormadii u dambaysay markii ay ka hor-baydheen ayaa Cabdi-gaas iyo Cali-mahadna soo galeen darkii geelu ka cabbayey. Kolkaasay is-maydh-maydheen, oo biyihiina cabbeen. Haddii Allah idmo, maanta waxaa ceelka u xigi doonta, oo ay arki doonaan biyo ay isku maydhaan kalka dambe ee geela.

Geelii markuu diirsaday, oo ay tahay hadh-soo-kor kulul, ayaa irmaankiisii iyo nirgihii isu dunuunuceen. Faarax-goray geeliisa waa af-yaqaannaaye, godol ayuu u taagay, kolkaasaa hal waliba hadhuubkii la galay, xoorka taallaysay! Dhaadhaba-fadhidii, baadidoonkii, maatadii iyo adhi-jiratadii ayaa loo lisay geelii. Maanta oo kale gur-boodka geela wax ka wata, iyo dadka ceelka loogu yimi ayuun-baa loo lisaa geela. Tani, waa caado aan la goyn karin, oo Faarax-goray ka soo gaadhay aabbihii iyo raggii geela ku ababiyay. Hal waliba markii hadhuubka lagala baxay ayay dib halkeedii u fadhiisatay.

Faarax-goray iyo labadii nin ee geela la waraabinayay inta ay ka soo qaxweeyeen kabadhihii Col-u-joog, oo inammadiina midba nus-rodol timmir ah uu u sooqaaday, ayay geelii rakaad u saareen, mar labaad. Rakaad dabadeed, oo qoorraxdii casar u wareegtay ayuu geelii oo neef waliba labadii le’eg yahay, intuu fulay, dhabada qabsaday. Intii aanay innamadu geela ka daba dhaqaaqin, ayuu Faarax-goray xadhig yar oo shootali ah ku fuudhiyay cagta Cali-mahad. Maanta, Cali-mahad lama saarayo maraq-saarka hashii Gaydho. Taa beddelkeedana, wuxuu wax ka kaxaynayaa geela.

La Soco.

W.Q: Maxamuud Axmed Oday

moxamud_oday@yahoo.co.uk

Burco, Somaliland