Saddex maalmood uun ka hor doorashada la muddeeyey in ay ka qabsoonto Faransiiska ayaa xalay nin sita qori darandoori u dhacaya uu toogtay laba ka mid ah booliiska magaalo-madaxda Faransiiska ee Paris.
Booliiska oo baadhitaano waday ayaa joojiyey gaadhi. kadibna waxa ka soo dagay nin hubaysan wuxuuna ku furay tacshiirad cuskatay laba sarkaal. Midkood isla goobtii ayuu ku qudh-baxay ka kalena waa dhaawac.
Booliska Faransiiska oo weerarkaas iyaguna rasaas kaga jawaabay ayaa isla goobtii ku dilay ninkii toogashada gaystay.
Sida uu sheegay Pierre-Henry Brandet oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, weerarku wuxu ka dhacay meel u dhaw dariiqa tareenka ee dhulka hoostiisa mara ee la yidhaa Franklin Roosevelt.
Wali lama aqoonsan haybta ninka weerarka gaystay hase ahaatee kooxda xagjirka ah ee ISIS ayaa isla xalay saacadihii dambe sheegatay in ay ka dambeeyeen weerarka.
Magaalada Paris waxay dhibaatooyin badani ka soo gaadheen weeraro qaraxyo, toogasho iyo shirqoolo isugu jira oo kooxaha mayalka adagi ay la beegsadeen labadii sanno uu ugu dambeeyey.
Weerarkan u dambeeyey wuxu muujinayaa in kooxaha loogu yeedho argagixisadu ay wali awood u leeyihiin in ay magaalooyinka ugu waaweyn Faransiiska ka gaysan karaan weerarro.
Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah
Bandhige@gmail.com