Wefti uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Kulmiye oo ku soo guryo noqday Hargeysa

Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Kulmiye, ahna murrashaxa Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku soo laabtay Hargeysa xalay fiidkiii, kadib markii uu soo dhammeystay socdaalka wacyi-gelinta diiwaangelinta doorashooyinka oo uu ku soo maray Gobollada Awdal iyo Salal oo qaadashada kaadhka laga bilaabay toddobaadkan gudihiisa.

Weftiga oo socdaalkiisa u dambeeyey ka bilaabay Lughaya oo ay u hoydeen habeenkii Salaasadii, ayaa kadib xaflad ballaadhan oo shacabka ku dhaqani ku sagootiyeen, waxa uu kormeer ku maray deegaannada hoos yimaadda magaalooyinka iyo tuulooyinka kala ah; Riigga Kalowle, Gargaara, Tuurka, Garba-dadar iyo Cali-xaydh oo laga fulinayo oo ka socotay qaadashada kaadhka diiwaangelinta codbixiyaha.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo hadallo u ujeediyey shacabka ku dhaqan deegaannada uu socodka ku maray, ayaa uga mahad-naqay soo-dhaweymo aanay u kala hadhin oo ku muujiyeen taageerada ay u hayeen xisbul-xaakimka iyo murrashaxiisa Madaxweynaha oo ay u ahayd markii koowaad ee ay la kulmaan tan iyo intii lagu doortay shirkii shannaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye ku qabsaday Hargeysa dabayaaqadii sannadkii 2015-kii.

Waxa kaloo ku boorriyey dadweynaha qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka oo uu ku tilmaamay inuu hiil u noqonayo qarannimada Somaliland deegaannadooda iyo taageerada ay xisbiga u hayaanba.

Dhinaca kale, Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka kula dardaarmay illaalinta nabadgelyada, wadajirka iyo midnimada ummadda, waxaanu isaga oo si gaar ah ula hadlayey dadka ku nool deegaannada Lughaya, Gargaara, Tuurka iyo Garba-dadar oo uu kula dardaarmay in ay xalliyaan kala qeybsanaan dhexdooda taal oo uu xusay in ay keentay khilaaf ku salleysan deegaan iyo wax kala sheegasho kala kaxaysay dad walaalo wada dhashay oo aan meel kala tageyn, waxaanu ballanqaaday in diiwaangelintani ka qabsoomi doonto lix goob-doorasho hoos yimaadda deegaannadaas oo muran dartii aanay wax coddeyn ahi ka dhicin.

Muuse kulmiye kulmiye3

 

bandhige@gmail.com