Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Maxamed iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa kormeer qiimayn ah ku maray dhismaha lagu casriyeynayo waddada isku xidha Hargeysa ilaa Kala-baydh ee Gobolka Gabilay, iyadoo halkaasna shahaado-sharaf lagu guddoonsiiyey Injineerka guud ee gacanta ku haya dhismaha jidkaas.
Weftiga Maareeyaha Guud ee uu halkaas ku tegay shalay oo ay ka mid ahaayeen Maayirka Degmada Gabilay Md. Maxamed-amiin Cumar Cabdi, Maareeye-ku-xigeenka Hay’adda Horumarinta Waddooyinka, xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka Gabilay iyo Injinneerada Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, waxa ay soo kormeereen dhismaha waddadan casriga ah ee ay Hay’adda GIZ ee dalka Jarmalku maalgelintiisa bixinayso, dhismihiisana gacanta ku hayso shirkadda Hono Group.
Maayirka Gabilay Md. Maxamed-ammiin Cumar Cabdi, ayaa shahaado-sharaf ku maamuusay Injinneerka Hay’adda Waddooyinka Somaliland ee gacanta ku haya dhismaha waddada u dhexaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Kala-baydh, isagoo sheegay in dhallinyarada Injinneerada ah ay muddada ay waddadaasi socotay xil weyn iska saareen ilaalinta tayada dhinaca dhismaha jidkaas hal-bawlaha ah, waxaanna xubnaha shahaadooyinka la guddoonsiiyey ka mid ahaa Eng.Mawliid Nuux oo ah injineerka guud ee mashruucan (project Engineer) ee gacanta ku haya dhismaha waddadaasi.