Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenku ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey gobolka Awdal

Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenku Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye ahna Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn loogu soo dhoweeyeen magaalada Boorama.

Weftiga Kulmiye oo saaka ka ambabaxay magaalada Hargeysa, siina maray Gobolka Gabiley, ayaa soo dhawayn layaab leh kala kulmay dadweynaha degmooyinka Gobolka Awdal ee Dila ilaa Boorama oo socdaalkoodu ku wajahnaa, waxaanna kumanaan qof oo isugu jira dhammaan qaybaha bulshada oo ay horkacayaan madaxdhaqameedka Gobolka, siyaasiyiinta caanka ah iyo aqoonyahanka ku qaabileen magaalada Dila ilaa Boorama oo inta ka u dhaxaysa ay jidka wayn taxnaayeen.

Soo dhawaynta u waynayd oo ka dhacday magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama oo duleedkeeda lagaga hortagay weftiga, iyadoo markii dambena loo galbiyey fagaaraha wayn ee Khayriyada oo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyne u heellan xisbal-xaakimka Somaliland oo lulayey calamada Qaranka iyo ka xisbiga Kulmiye, iyadoo halkaasina madaxdu ka jeediyeen khudbado muhiim ah.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com