Weftigii Madaxweynaha oo gaadhay Kuwayt

Weftiga Madaxweynuhu markii ay ka soo degeen Amiri Airport waxa ku sugaayey Madaarka caalamiga ah ee Kuwait City oo ah madaar u gaara Shiyuukhda, Madaxda Adduunka iyo wefuuda caalamiga ah,  halkaasna waxa weftiga madaxweynaha ku sugaayey kuna soo dhaweeyey Madax ka socotay dawladda kuwait iyo Sheikh Hamad Bin Sabah Ahmed iyo marwadiisa, waxaana weftiga madaxweynaha loo galbiyey qasriga uu magaalada ka degan yahay sheekhu.

Waxa beri si rasmi ah la filayaa in loo guddo galo kulamadii uu madaxweynuhu la lahaa Madaxda dalka kuwait iyadoo ay weftiga madaxweynuhu ku sugnaan doonaan dhawr maalmood halkaasi.

Safarkan madaxweynuhu ku tegay dalka kuwait ayaa daba socda safaro hore uu madaxweynuhu ugu tegay dalka kuwait kulamana la yeeshay sheekha kuwai, waxaana dawlada kuwait iyo Somaliland ka dhexeeya xidhiidh walaaltinimo oo qotodheer, intii uu madaxweyne Axmed Siilaanyo talada dalka hayeyna waxa sii xoogaystay xidhiidhkaasi labada dal ka dhexeeya, waana ta keentay in madaxweynaha Qaranka Somaliland iyo Amiirka Kuwait ay kulamo kala duduwan yeeshaan isagoo sheekhu marwalba madaxweynaha u soo dira diyaarad gaara oo ka soo qaada Somaliland toosna u geysa dalka kuwait.

Halkan hoose ka daawo muqaalka warkan:  

bandhige@gmail.com