“Dhudi Iyo Curadkeedii Cali-dhawaaq” Sheeko Taxane ah. W/Qoray: Maxamuud Axmed Oday -Qormadii 6aad

Casar gaabadkii ayuu geelii foori iyo hees-hawleed isugu daray, oo intuu ururiyay dhabbada ku taagay. Kalalkii hore, marka ay casar gaaban gaadho, ayuu Faarax-goray geela ka horrayn jiray oo xero-ood tegi jiray. Kalkan arrintu sidii hore maaha, oo waxaa Faarax-goray weli ku mudan, gaadihii soo dul-fadhiistay habeen hore. Ilaa iyo fiid-cawl dambe ayuu geelii isu ulayey.

Goor shaacu sii madoobaanayo ayuu idhankii uu kula soo itaalayey, xero uu garanayo tilmaanteeda oo u astaysnayd ku soo gembiyay. Intii uu xeroonayay geelu, Faarax-goray, wuxuu isha marinayay geelii rimayda ahaa, oo uu uga baqayay inuu ku kala hadho gooddiga idhankan xeryo-guulladu yihiin. Isla markaana, wuxuu nirgaha u duwayay edegga. In badan, ayuu waraabe dooxay, qaar rimay sidkoodu go’ay ah oo si hawl-yar geel-jire xoolo-hunno ahi gabbal-gaabad ugu dhaafay kobtii laga carraabinayay. Markuu hubsaday in geelii xerada ku soo dhammaaday, baar-qabkii ina-Saqaafna is-taagay bannaysinka xera-geesha, ayuu Faarax-goray intuu geelii iyo nirgihiiba jiitinta u jiiday, jeebka surwaalkiisa gaaban ee kaakiga ah kala soo baxay, qaraf aan wax badani ku jirin. Kolkaasuu intuu sibraarkii saaray muska ardaaga, soo urursaday xansas oo dab ka bul siiyay! Waa xero-guuloo, qori-ardaa xaabo ah lagama waayee, laba dogob oo hore u yaallay dambaska agtiisana, dabkii uu shiday buu afka u saaray. Intaa markuu sameeyay, ayuu meel madow oo dabka cabbaar ka durugsan intuu qorigii uustar-gaabka ahaa barkaday, jeegada u jiifsaday.

Intii Faarax-goray hawshan ku mashquulsanaa, Cabdi-gaasna intuu Cali-mahad ka rogay hashii Gaydho, ee uu laba-gabballe baarka haystay, oo ardaaga xerada fadhiisiyay, ayuu hadhuub-gaalkii, gudintii iyo maqaarkiina ag-dhigay, oo ku yidhi “Fadhiiso walaal, aan awrka dabree” ayuu ma dhuuxyayne/biixyayne, si seeto-dabar ah u dabray awrkii baar-qab ee geela. Awrtu iskuma jirtee! Waa ina-Saqaaf, oo waa baar-qab, uu Faarax-goray ku saantay, dhal-wanaag, qurux, nirgo-dhal, caano iyo adkaysi. Awrkan baar-qab, intaaba wuxuu dheer-yahay, feejigada iyo daymada habeenkii uu meel dheer wax ka arki karo. Daymadiisa uu meel ku lab-jeer celiyaa, waxay Faarax-goray u tahay digniin kama dambays ah, oo ah in meeshaa nin ama libaax ka muuqday. Halka, waraabaha uu mar keliya jalleeco, wixii ka yarna aanu iskuba hawlin.

Cabdi-gaas markuu awrkii dabray, ayuu u yimi Cali-mahad oo dabkii dul-fadhiya, oo farihiisa ololka dul haya oo ku diirinaya. Cali-mahad daal ma qabo, aan ka ahayn inuu ku gommoday maraq-saarka Gaydho, laakiin Cabdi-gaas, isaga daal waxba ugama dhinna! Intuu qayd-iyo-qoor-tolkiisii buurtay, ayuu halkii uu hadhuub-gaalka, maqaarka, iyo gudinta dhigtay meel u dhow oo ardaaga ah jeegada u jiifsaday. Xataa muu haleelin inuu kabaha iska bixiyo!

Geeliina, hal waliba halkii ay xerada ka haleeshay intay kaadi isla taagtay ayay deg-deg jilbaha u boobtay, oo u fadhiisatay.
Nasasho aan loo ballamin, oo ay dani keentay ayaa geelii iyo raggii watayba galeen. Raamsiga geela ayaa jabaq uu maqlo ugu dambaysay Cabdi-gaas intii aanu dhanqalmin. Cali-mahad ayaa ka soo-jeed dambeeyay aabbihii Faarax-goray iyo ina-adeerkii Cabdi-gaas, labadaba. Isaguna, intuu dabkii hore isu-raaciyay oo ka dul-kacay, ayuu Cabdi-gaas agtiisa, oo ka xigta xagga xera-geesha dhinaca u jiifsaday, oo qaydkiisii yaraa madaxa iyo mijaha maray.

La Soco

W.Q: Maxamuud Axmed Oday

moxamud_oday@yahoo.co.uk

Burco, Somaliland