Soomaalida iyo Diinta ay Haysato! (W.Q: Cabdinaasir Xareed)

Afeef: Ujeedadu qoraalkani ma aha in islaamnimada meel lagaga dhaco, waxase uu daaran yahay muujinta dhaqan xun oo aad u xoogweyn.

Soomaalidu waxay hasataa Diinta Qabyaaladda. Diintani waa diin leh Kitaab aan qornayn, hadana ku jira laabaha culimadeeda. Kitaabkaasi oo magaciisa layidhaado Xeer dhaqameed ayaa ah mid xaqa aan aqoon. Wuxuu kugu xukumi karaa dil toogasho ah adigoo aan dembi galin, waxaanu kaa bedbaadin karaa dil toogasho ah adigoo ku xukuman. Waana Kitaab aan waxba u ogayn Shareecada Islaamka.

Diintani waxay leedahay Culimo ku qadhaabta magaca hoggaamiye dhaqameed.  Culimadani waa qaar aan aqoon lahayn ha noqoto mid Islaamiya ama mid Maadiya. Aqoontooda oo yar awgeed ma garan karaaan macnaha qaranimada iyo horumarka ummaddi leeyahay.  Qalbigooda ma gali karo wanaaga Islaamku, waxbana kama fahmi karaan halka adduunku ka gaadhay Sayniska dhan walba leh. Waana qaar ku wanaagsanaan lahaa horkaca ama dhaqida xoolaha. Sinaba may ahayn in ay dad hor socod u noqdaaan.

Diintani waxay iska leedahay Muftiyo ka tiro yar culimadeeda. Muftiyadani waxay magac ahaan bulshada ku dhex joogaan magaca siyaasiyiin. Muftiyadu waa qaar diinta Islaamka ka aradan, qaarna kaba shakisan yihiin xaq ahaanteeda. waana kuwa u fatwooda culimadda ee ku haga kolba marinka ay doonaan. Waa qaar aan marnaba qarsan dhammaan sifooyinka ugu xun ee bini’aadam yeelan karo, sida munaafaqnimmoda, beenta iyo tuugonimodda.

Soomaalida inta hadhayna inteeda badani aqoon diineed ha yeelato amase mid adduune waxay raciyad ama shacab u yihiin laba qolo ee aan hore u soo sheegnay. Malaha qiiro ay ku diidaan beenaha badan ee iska hor imaanaya ee sida joogtada ah ay ugu sheegaan. Diintani dhinac waxay ka matashaa sixirka, taana waxa cadayn u ah in dadka oo dhami u afduuban yahay oo ay daba socdaan labadan qolo iyogoo ogsoon xumaanta qabyaaladi leedahay.

Diinatani  waa mid aan nooceeda la arag lana maqal waayo, waxay wadataa xannuuno iyo fayras maskaxda gala. Fayraskaasi waa mid waalida ka awoood badan, waa fayras cuna  ama dhaafiya marka hore kaydka aqooneed ee maskaxdu hayso ama ay heli lahayd. Tusaale hadii aad Caalim diineed tahay iyo haddaad shahaaddada ugu saraysa ka sidato aqoonta adduunka, fayraskani  waa mid masaxaya. Weligiiba qofku keligii ha is qanciyo oo shahaadooyin badan ha ku faano, mar haddii fayraskaasi galo waa baadi lumaysa. Fayraskani wuxu wataa cuqdad aad u xeel-dheer oo ku salaysan male-awaal.

Xanuunadan iyo fayraskan maskada gala wuxuu kugu qasbayaa in aad nacdo dad aanad ebedkaa arag. Wuxu awood u leeyahay in uu qabiilada kale kuugu sawiro, xanfalay, qoob-cad, libaax dad qaad ah ama bahalaha kale ee riyada habeenkii lagu arko. Caqliga dadka diintan haystaa waa mid hore ay u soo buuxiyeen deegaanka uu ku soo koray iyo dadka uu la soo koray. Waa mid ku go’aan qaata cilmi dhagoolka, marnaba si cilmiyeysan ama aqoon ku dhisan uma fikiri karo, oo waxaa ka hortaagan xannuunnadda maskaxeed ee diintani wadato. Waa diinta kaliya ee mararka qaar qofka haystaa isaga oon ogayn ama xataa aan dareensanayn sidii uu hurdo oo kale uu ugu doodo arrimo ay maskaxdiisa ku abuuratay diintani.

Adduunka waxa jira Diimo faro-badan, dhammaantoodna waxay ogol yihiin wada noolaansho iyo isixtiraam. Hasayeeshee Diintani ma aha mid waxaas oo dhan ogol. Dhammaan qabiilada kale oo dhan in lala noolaado ama si dhaba wax lala qaybsadaa waa dembi weyn.

Diintani waxa kale oo ay gaar la tahay dadka ku dhaqmaa, markasta way ku jabaaan oo qaramadooda ayey dumisaa, meeqaankooda adduuna hoos ayey u dhigtaa. Waxay geyeysiisay ummadda Soomaalida ahi in ay ku waddankooda joogaana dawarsi ku noolaadaaan, cadowgooduna u taliyo, kuwo kalena ka caraaraan oo waddamo kale uga guuraan.

Diintani inta ay ku xoogantahay laabaha dadka soomaalida ah ma dhici karto inay talaabo hore u qaadaan.

Madaama ay diintani tahay mid dhulka hoos galinaysa xataa jiritaanka dadka ku dhaqma, waxaa lagu xalinkaraa in dadkani diinta Islaamka qaataan. Lana helo hoggaan adag oo muddadiisu aanay koobnayn, kaasi oo dadka ku haga wadada saxda ah. Ugu horayna salka u dhiga qorshe diintan lagula dagaalamayo oo ku salaysan kor u qaadista aqoonta, wacyiga guud iyo dhqaalaha ee dhammaan dadka dalka ku nool.

 

Cabdinaasir Xareed

Fb@Cabdinaasir.Yuus. M

Email: say116@hotmail.com

Hargeysa