Sucuudiga oo ka hadlay kaalintii ay ka qaateen taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeeen

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi  Axmed iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qaybgalay munaasabad ay guddiga abaaraha ee heer Qaran ku soo gebagebaynayeen qaybintii caawimadii Boqortooyada Sucuudigu soo gaadhsiiyeen Somaliland, gaar ahaan tii Gobolka Maroodi-jeex.

Munaasabadaasi oo ka dhacday Xafiiska Gobolka Maroodi-jeex oo ay goobjoog ka ahaayen madaxada hay’ada gargaarka sucuudiga, hay’adihii samafalka waddaniga ah ee qaybinta gargaarka ka qayb qaatay iyo maareeyaha xafiiska samafalka Somaliland ayaa ugu horayn waxa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cali “Jeeniyare”  oo u mahadnaqay Sucuudiga si wacan ay taakuleen dadkii abaaruhu saameeyeen ee gobolka Maroodi-jeex.

Sidoo kale waxa munaasabadan ka hadlay Sacad Al-Muhanad Al-Suweydi, wakiilka hay’adda taakulaynta Shacabka Somaliland waxaana uu uga mahadnaqay guddoonka gobolka Maroodi-jeex taakuladii farsamo iyo fududayntii shaqo ee ay ka gaysteen qaybinta gargaarkaasi oo uu ku sheegay in uu ku yimid baaqii xukuumaddu u jeedisay beesha caalamka iyo amarkii Boqorka Sucuudiga eek u saabsanaa taakulada Boqortooyadu ka gaysanayso abaaraha saameeyey mandaqadda ay Somaliland ka mid tahay.

Dhankiisana wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta oo ka mid ah guddiga abaaraha ee heer qaran ayaa waxa uu faahfaahiyey sidii ay gobolka Maroodi-jeex  uga dhacday qaybintii gargaarka Sucuudiga waxana uu uga mahadnaqay Boqortooyada Sucuudiga gargaarkaasi.

Halkan hoose ka daawo muqaalka warkan:

bandhige@gmail.com