Cirro oo lagu soo dhoweeyey Gabiley, balanqaadayna hirgelinta Gobolnimada Gabiley iyadoo ay jiraan gobollo kale oo mar lala magacaabay

Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa waxa si diiran loogu soo dhoweeyey deegaanada hoos yimaada Gobolka Gabiley.

Sidoo kale waxa uu xisbiga Waddani xarun ka furtay magaalada Arabsiyo, sidoo kale weftigan ayaa waxay bulshada ku wacyi-gelinayeen qaadashada kaaadhka codbixinta oo ka socoto guud ahaan gobolka Gabiley.

Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamd Cabdillaahi “Cirro” oo la hadlay dadweynihii soo dhoweeyey ayaa waxa uu in xisbiga Waddani iyo gobalka Gabiley ay isku og yihiin arrimo gaara isla mar ahaantaana wada leeyihiin ballamo u dhex, waxaana u miiska soo saaray in xisbiga Waddani uu mar walba diyaar u yahay hirgelinta gobalnimada Gabiley, isaga dhanka kalena iftiimiyey muhiimada gobalka Gabiley uu ugu fadhiyo guud ahaan qaranka Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Aad iyo aad ayaan idiin ka mahadcelinayaa sida habboon ee maamuuska leh ee aad noo dhaweyseen, noo sharafteen, noona qaabisheen, waxa farxadweyn noo ah in maanta aanu joogno gobalkii  Gabiley oo isbedel doon ah. Reer Gabiley ballan hore ayaa noo dhaxaysay waxaana aan halkan uga sheegayaa in aanu diyaar u nahay hirgelinta goballnimada Gabiley oo xisbiga Kulmiye uu muddo dheer hagranaayey, iyada oo aanu wakhti xaadirkana ugu baaqayno xukuumaddu in ay arrintaas golaha keento si aanu uga hawl-galno ansaxinteed oo aanu diyaar u nahay, magaalada Gabiley qiimo weyn ayey dalka ku lee dahay.”

.Guddoomiyaha Waddani ayaa waxa uu reer Gabiley ka iibiniyaa ansixinta Gobolka Gabiley, balse Cirro  waxaanu sheegay in uu doonayo in uu ansixiyo Gobollada kale ee mar lala magacaabay ee uu ka mid yihiin Hawd, Salal, Buuhoodle, Xaysimo, Daad-madheedh iyo Saraar.

bandhige@gmail.com