Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir, Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Biyaha Xuseen Cabdi Boos iyo xubno kale ayaa maanta Kulan balaadhan la qaatay guddiga abaaraha gobolka Sool.
Weftigani oo maalmihii u dambeeyay Socdaal ku marayay deegaanada Barriga Somaliland isla markaasna u kuurgalayay Xaalada Abaaraha ee maalinba maalinta ka dambaysa kasii daraysa ayaa kulan isxogwaraysi ah la qaatay guddiga abaaraha ee gobolka Sool.
Guddiga Abaaraha ee gobolka Sool ayaa Weftiga Warbixin ka siiyay xaalada guud ee Gobolka iyo Siyaabaha Abaartu u saamaysay bulshada gobolka Sool kadib Warbixino qiiro leh oo guddigu ka dhagaysteen odayaasha iyo guddiga abaaraha ee Sool waxa uu guddoomiyaha xisbiga Kulmiye guddiga Abaaraha ee gobolka Sool ku Wareejiyay 40,000 $ (Afartan Kun oo dollar) oo xisbiga Kulmiye kaga qayb galayo gurmadka abaarta ku dhufatay gobolka Sool.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir oo ka hadlay goobtaasi ayaa sheegay inay Xukuumaddu ku dedaalayso in loo gurmado dadka abaaraysan isaga oo ku baaqay in laga shaqeeyo nabadgalyada gobolka.
Wasiirka Madaxtooyadda oo isaguna Madasha ka hadlay ayaa tilmaamay inay gobolka u yimaadeen hawlaha Abaaraha iyo soo dhamaystirka hawlo badan galyo oo qabyo ahaa .
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa bulshada gobolka sool ugu baaqay inay isu naxariisteen waxaana uu sheegay inuu xisbiga Kulmiye wixii awoodiisa ah kaga qayb galayo gurmadka Abaaraha dalka.