Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweyne Siilaanyo waxa xadhigna ka jaray wejiga labaad ee balaadhinta dekedda Berbera, kuna soo guryo noqday Hargeysa

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayo oo socdaalka ku maraayey Goboladda Beriga ayaa waxa uu xadhiga ka jaray dhismaha qaybta labaad ee balaadhinta dhismaha dekedda Berbera.

Ugu horeyn waxa ka war-bixiyey balaadhinta Maareeyaha dekedda Berbera Cali Xoor-Xoor waxaanu yidhi:

“Dhismahan cusub waxa fadhiyaa 2,250M2  oo isku wareega, waxaanay kafaalo qaadi doonta guud ahaan wixii dekeda ka soo dega ee u socda waddamadda aynu jaarka nahay iyo wixii dheeriya ee dalka soo gaadhaba, sidii aynu horeba u sheegnayna waa mid waxtar u ah dalka iyo dadkaba.”

Gabagabadii waxa afmeeray xaflada xadhig ka jarid balaadhinta wajiga labaad ee dekedda Berbera Madaxweyne Siilaanyo waxaanu yidhi:

“Waanu ku faraxsanahay inaad maareeye wejigii labaad ku guulaysato oo aan galabta xadhiga kaaga jaro, tan oo farxad gelinaysa dalka iyo dadkaba, anagana noo ah faan iyo dhiirigelin marka aanu aragno dad sidaada oo kale dalka u adeegaya waanan kuugu hambalyeynayaa ee halkaas ka sii wad dedaalkaaga.”

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayey ee socdaal ku maraayey Goboladda Beriga ayuu ku gabagabeey socdaalkiis Gobolka Saahil, socdaalka madaxweynaha ayaa ahaa mid xadhiga lagaga jarayey mashaariic iyo u guur galida xaalada dalka.

bandhige@gmail.com