Weriyihii ruug-caddaaga ahaa Yoonis Cali-Nuur ayaa xalay ku yeeriyooday London

Weriyihii caanka ahaa ee muddada dheer BBC-da ka warrami jiray Yoonis Cali Nuur ayaa xalay ku geeriyooday London.

Sida uu baahiyey Wariyahah BBC-da Hargeysa Axmed Siciid Cige, Yoonis Cali Nuur wuxu muddo u shaqaynayey Raadyow Muqdisho ka hor intii aanu u wareegin BBC sannadkii 1983 halkaas oo uu ka shaqaynayey ilaa uu ka fadhiistay shaqada 2014.

Hoos ka akhriso qoraal kooban oo tacsi iyo taariikh-nololeed isugu jira oo weriye Axmed Siciid Cige ku daabacay barta uu ku leeyahay Facebook.

Ilaahay ha u naxariisto saaxiibkayo weriyihii ruugcadaaga ahaa ee Yoonis Cali Nuur oo xalay 19july2018 ku geeriyoodalo London . Yoonis muddo ah 45 sano ayuu saxaafadda ku soo jiray isagoo ka bilaabay Radio mogadisho kadibna 1983 ku biiray BBC oo uu ka fadhiistay afar sano ka hor.

Wuxuu ahaa hadda la taliyaha wasiirka wasaaradda warfaafinta ee somaliland . muddo dheer ayaanu soo wada shaqeynay Yoonis cali ilaahay janadii ha ka waraabiyo . waxaan tacsi u dirayaa labadiisa xaas Caasha oo london joogta iyo Siraad oo Hargeysa joogta iyo siddeed caruur ah oo uu dhalay , saddex wiil iyo shan hablood.

Bahda Bandhige waxay tacsi u diraysaa ehelkii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuumku, waxaanay Ilaahay uga baryeysaa in uu naxariistiisa ugu deeqo.