Wiil Dayar ah ayaa Hargeysa Ka aasasay Shirkad Ganacsi oo nooceeda markii ugu horaysay la hindisay

 

Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay munaasibad  daaha lagaga rogaayay shirkad ganacsiyeed markii ugu horaysay laga hirgalin doono Somaliland gaar ahaana Caasimadda Hargeysa.

Shirkadan   ayaa bixin doonta adeegsyo casri ah oo ay sigaara uga faa’iidaysan doonaan goobaha ganacsi, Hoteelada waawayn, guryaha dabaqyada ah ee dhaadheer, shirkadaha, Hay’adaha iyo xarumah dawladda.

Munaasibada soo badhigida adeegyada shirkadu ay qabanyso waxa faahfaahin ka bixiyay Axmed Yaasiin wayarax, oo ah agaasimaha guud ee shirkada waxana ka mid ahaa hadaladiisa sidan hoos ku qoran.

“shirkadani waxay bixinaysaa afar adeeg oo la xidhiidha laydhka iyo biyaha oo badankoodu ku cusub yihii afrika iyo Somalilandba, adeegyadu waxay kala yihiin,

  • Dayactirida Laydhka iyo biyaha hab biil ah: Adeegani waxa uu kuu qabanayaa in uu kuu dayctiro laydhka iyo biyaha, adigoo bishii iska bixinaya wax yar oo kharasha. Adeegani waxa uu ku haboonyhay Hotelada, Mallal-ka, goobaha waxbarashada, Cisbitaalada,Hay’adaha iyo
  • Hagaajinta laydhka iyo biyaha, adeega wareega (by call) Adeegani waa adeeg aad lal soo xidhiidhayo markay ciladooban laydhka iyo biyuhu, kaas oo halkaad joogto lagugu imanayo wax ka yar 15 mirir laguuna Hagaajinayo.
  • Qandaraasyada galinta laydhka iyo biyaha: Shirkada Baana waxay laydhka iyo biyaha kuu galinaysaa guryaha cusub, taas oo adeegsan doonta software lagu nashqadeeyo laydh iyo biyaha galinta kuna siinaaysa lix bilood oo garantiina.
  • Tababarid iyo la talin: Shirkada Baana waxay kaala talinaysaa laydhka iyo biyaha, sidoo kale waxay bixinayasaa tobabarada la xidhiidha laydhka iyo biyhah. 

Axmed yaasiin Wayrax, ayaa ka mida dhalinyarada Somaliland ee dalka wax ku bartay waana ENG Korontada ah isaga oo hindisay hal abuurkeedana lahaa shirkadan oo sifud dadka ugu tashiilaysa xadiga korantada iyo biyaha, maadaama oo bulshada Somaliland dhib wayni ka hadsto labadaasi adeeg.

Ugu danbaynii shirkadan ayaa daboolidoonta bahiyaadkii loo qabay farsamaynta biyaha iyo laydhka ee magaalada Hargaysa.

engwayrax@gmail.com

Tel: 0634323523

| 065 9194440