Xidhiiddhka u dhexeeya labada quwadood ee dunida ugu weyn, Maraykanka iyo Ruushka ayaa meeshii ugu xumayd maraya tan iyo 1973. Sidaa waxa yidhi Safiirka Ruushka u fadhiya qaramada Midoobay Mr. Vitality oo u warramay Wakaaladda Wararka ee AFP.
“Xidhiidhka Ruushka iyo Maraykanku laba jeer oo hore ayuu aad u xumaaday. Markii koowaad waxay ahayd 1961 markii Ruushku gantaallaha tiddada dheer keenay Kuuba. Mar labaadkiina wuxu ahaa 1973 markii dagaalkii Yuhuudda iyo Carabta u dhexeeyey qarxay wakhtigaas oo Ruushku Carabta taageerayey Maraykankuna Yuhuudda. Mar saddexaadkiina waa hadda.” ayuu yidhi Ambassador Vitality.
Ruushka iyo Maraykanka ayaa beryahan dambe isku maan-dhaafsan arrimo istiraatiji ah oo ay ka mid yihiin dagaalka ka socda Suuriya iyo khilaafka cakiran ee ka jira Yukrayn.