Fahamka ay ummadi u yeelato silsiladda iyo maraaxilka ay waayaheeda nololeed soo martay, waxay abuurtaa inay ummaddaasi qiimayso halka ay maanta joogto marka la barbardhigo waqtigii tegay iyo halka ay tahay inay uga dhaqaaqdo mustaqbalka kusoo fool leh. Garashadda noocan ahi ma aha mid qiimahaeeda la yaraysan karo, waana ta basharka is dhaafisay ee kuwana ka yeeshay qaar dawarsi iyo silic ku nool, kuwona ka yeeshay in iyaga la hoos joogo oo gacmaha la hoos hoorsado.
Dhab ahaantii, markaad dersito, sida aynu u noolahay ummad ahaan iyo sida aynu u fekeraynaba, waxaad moodaa in nolosheenii ku soo ururtay, qabyaalad, musuqmaasuq iyo siyaasad ma-dhalays ah oo saldhiggeedii noqday hebel ayaa ka soo baxay Xisbiga X, kuna soo biiray Xisbiga Y, Qabiilka D oo ka soo digarogtay Xisbiga T, una soo degarogtay Xisbiga J, iyadoo aanay digorogashadaasina ahayn mid ku salaysan wax mabaadii’ iyo qiyam ah oo u hiilinaya maslaxada ummadnimo ee ay ku salaysan yihiin maslaxad shakhsi ah iyo mid kooxeed.
Dhinaca kale, markaad dib u halacsato sooyaalka taariikheed ee ummaddan, waxay soo gashay wax loogu yeedho halgankii taariikhiga ahaa ee SNM, balse haatan u muuqda inuu ahaa hardan awood-kala riixasho ahaa oo dhexmaray siyaasiyiin isku hayay masaaliix siyaasiya oo iyaga u gaar ahaa, balse aan isku hayn maslaxad ummadeed.
Tan waxaan u leeyahay, markaad eegto dagaalkii SNM kula jirtay nidaamkii Siyaad Barre, waxaa sal u ahaa in ay la dagaalamyeen caddaalad darro, musuqmaasuq, eex iyo qaraabo-kiil uu nidaamkaasi ku maamulayay dalka, taas ayaanay ahayd ta ay ku kasbanayeen quluubta shacbiga.
Maanta oo nidaamkii Siyaad Barre dhacay oo ay xukunka joogaan kuwii lasoo dagaalamay ee riday, bal u fiirso waxa yaalla, waa intii ay ku dhaliili jireen isaga iyo in kasii daran. Eex baa taalla, sed-bursi aan sedkii dawladnimo loo sinnayn baa taala, musuqmaasuq shaadhka la baxay baa yaalla. Sharaftii iyo karaamadii dawladnimo oo la bahdilay baa taalla.
Nasiib darro, weli la isma weydiin waar maxaynu rabnay markii aynu dagaalamaynay? Ma Musuqqmaqasuq ku bedel musuqmaasuq baynu tabnay? M a eex iyo Qraabo-kiil ku bedel Eex iyo Qaraabo-kiil baynu rabnay? Maxaynu rabnay? Maxaynu u duminay magaalooyinkeenii, Maxaynu ku weynay kumanaan ruux oo dad ah oo aynu jeclayn? Haddiise, Siyaasigu usoo dagaalamayay inuu Kursiga Fuulo, maxaynu usoo dagaalanay shacab ahaan? Lama yaqaan, waayo, maskaxdii wax qiimayn lahayd baa maqan, Maskaxda maanta inagu jirtaa waxa qudha ee ay xiisaha u qabtaa waa reer Hebel, iyo qabyaalad liidata oo Siyaasiga aragti gaabka ahi ku danaysto.
Gunaanadkii, waxaan leeyahay, tolow goorma ayaynu noqon doonaa kuwo si togan u fekera oo garta waddada ay raacayaan inay khaldan tahay? Xusuuusnaada, Ummadi weligeed ma horimarto inta sida ay u fekeraysaa ay gurracan tahay.
Wa Bilaahi Towfiiq,
Qalinkii Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud
Burco, Somaliland,
husseinlucky@hotmail.com