Xiisbiga WADDANI wuxu ku baaqay in Odhad madax-banaan lagu daro Guddida uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay ururinta qaadhaanka ka soo kabashada abaaraha

 

Af-hayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Ibraahin Mahadi Buubaa, ayaa sheegay in guddidi taakulaynta abaaraha aanay sidii loo baahnaa u shaqayn , isagoo dhaliilo ujeediyey sheegayna in aanay gaadh-siini deeqii kala duwan dadkii ay abaaruhu sameeyeen., waxa kale oo uu ka haddlay gudida uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay dhawaan ee qaadhaanka  loo talo galay in taageero dadka abaaruhu sameeyeen.

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI ibraahin Buubaa ayaa shir saxafadeed uu maanta ku qabtay xarunta Xisbiga WADDANI kaga haddlay arrimahaasi waxa uu yidhi:

“Abaartaasi KULMIYE ayaa loo bixiyey, waxay KULMISAY bulshadii Reer Somaliland barri iyo galbeed kii joogay-ba, waxaynu ka war haynay guddidii la magacaabay ee hantidii ummada soo ururinaayey ee guddo iyo debad la iskaga keenay oo xataa ay dowlada shisheeyo aan saaxiibo nahay inagu caawinayey oo ay kamid yihiin Jabuuti, Itoobiya, Imaraadka Sucuudiga, Qatar Iyo Kuwayt in aanay wadda gaadhin dadkii ay abaaruhu ku dhaceen, waxay taasi ay hoosta ka xariiqday sida qaabka daran ee ay u shaqaynayeen guddiyadaa ay Xukuumaddu magacaabaysay,waxaan odhan karnaa goobaha qaarkood”deegaanada” bulshada deegaanadooda ee qurba-joogtooda ah ama dalka gudihiisa iyo ganacsatooda oo degaanadooda wax gaadhsiiyey mooyaane, hantidii qaranka iyo tii bulshada kele laga soo ururiyey & tii deeq-da Caalamka ee kaleba mid kood-na may gaadhi ayaan odhan karnaa.”

Ibraahin oo haddalkiisa sii wata ayaa ka haddlay guddidan uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay in ay taakulaynyta dadkii abaahara ku caydhoobeyna waxa uu yidhi:

 “Waxa iminka dib loo magacaabay gudi kale oo loo bixiyey guddida ka soo kabashada Abaaraha, runtii horta istaraatajiyada cad oo muuqata abaarahaa iyo masiibooyinkaa soo noq-noqanaya oo inoo muuqtaa ma jirto, waa taa maalin-ba ay ka magacaabayso guddi ay guddi ka daba-geynayso, haddana haba ahatee, waxa cadaan ah oo aan shaki la gelin garayn in khaladeedkii ay guddiyadii hore galeen ay geli karto iyadu laftigeeduna, waxa lagu ururinayaa hantidii qaranka annag laftigayagu waanu ka qayb-qaadanaa bulshada taageersan Xisbiga waanu ugu baaqnaa imin kana waanu ugu baaqaynaa in ay ka qayb-qaataan qaadhaanka loogu ururinaya dib u kabashada dadkii ay xooluhu ka baxeen ee abaartu hala-kaysay.”

Ugu dambeyntii Af-heenka Xisbiga WADDANI Ibraahim Buubaa ayaa sheegay in ay ka xisbi ahaan dal-banay Odhad madax-banaan oo daba-gala guddidaa Cusub ee Madaxweyne Siilaanyo u magacabaaya qorsha lagu magacaabo ka soo kabashada abaaraha, waxaanu yidhi isagoo arrintaasi ka haldaya:

“Hasayeeshii waxaanu dalbanaynaa in odhad madaxa-bannaan loo diro hantida soo gasha guddidaasi.”

bandhige@gmail.com