Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo kamid ah mudanayaasha aqalka wakiillada ee laga soo doorto gobolka Sanaag, ayaa si adag cabasho uga muujiyey caddaalad-darro ay deegaannada uu kasoo jeedaa ka tirsanayaan xukuumadda talada haysa, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in kala qoqob badan la geliyey shaqaalahooda.
Sidoo kale waxa uu Xildhibaan Bulqaas dhaleeceeyey safarka Madaxweyne-ku-xigeenku ku marayo gobollada beriga oo ay jirto.
Sidoo kale waxa uu dhalliil u soo jeediyey xisbiga Kulmiye oo uu ka tirsan, kaasi oo saluug ka muujiyey, waxa uu xildhibaanku sheegay in aanay reerkiisu ku dulman yihiin xisbiga Kulmiye.
Dhanka kale waxa uu Xildhibaan Bulqaas saluug badan ka muujiyey qaabkii loo qabtay shirweynihii xisbiga Kulmiye.
Xildibaan Bulqaas oo warbaahinta la hadlay, ayaa si gaar ah madaxtooyadda uga cawday, waxaana uu shaaca ka qaaday in aanay wax shaqaale ah ku lahayn madaxtooyadda, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Reerka aan kasoo jeedo hal qof oo kamid ahi madaxtooyadda kama shaqeeyo, askarta madaxtooyadda joogta hal midh kuma lihine sidani ma caddaalad baa.”
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa deelqaafka deegaannada uu kasoo jeedaa tirsanayaan bud-dhig uga dhigay wasiirkii hore ee madaxtooyadda Somaliland, oo haatan ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaas oo uu sheegay inuu horjoogsaday codsiyo badan oo ay madaxtooyada u gudbiyeen, waxana uu yidhi:
“Toban goor baanu Xirsi madaxweynaha hortiisa isku dilnay oo aanu nidhi Xirsi-ow kuwa aad danta ka leedahay mooyaane kuwa kale qashinkaad ku daraysaa, colaadda uu ninkaasi noo qaadayna garan mayno, meelaha kale ee uu danta ka leeyahayna madaxweynaha wuu ka saxeexayaa, dhibkaasina wax kale may ahayne xoghaymihiiisa ayuun bay ahaayeen.”
Bulqaas waxa uu intaas ku daray inuu Ex. Wasiir Xirsi si weyn u gacan-togaaleeyey lacagtii 2%-ga ahayd ee loogu talo galay gobollada bariga, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in ay lacagtaasi tahay midda uu haatan olalaha xisbiga uu ku biiray ka dhex wado, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“$30- milyan ama %25-kaa milyan ee lacagta ah Xirsi baa wasiirkii madaxtooyadda ahaaye isagaanu ka rabnaa inuu sheego meesha ay lacagtaasi martay, laakiin waa lacagahaas lagu ololaynayo ee meelahaas lagu qaadaa dhigayo, Xirsi-na madaxweynaha wuu hoos dhigi jirey mashruucuu doonayo, laakiin kaayaga qashinkuu ku ridi jirey.”
Xildhibaan Bulqaas waxa uu shaaca ka qaaday in lunsiga iyo xisaab-xumada lacagta 2%-ga ah ee qaranku gobollada bariga hore ugu qoondeeyey keentay in uu wasiirkii hore ee madaxtooyaddu awood dheeraad ah yeesho, waxaana uu yidhi:
“Anigu Xirsi waan ku hadal ad adkaa oo runtaan u sheegi jirey, xirsi-na Yes-man buu doonayey u foorarsada, waxyaabaha noocaas ayaa kallifayey in uu Xirsi meesha madaxweyne yar ka noqdo, waxyaalaha Xirsi lagu qaniinayna waxaan u malaynayaa in ay kamid ahaayeen lacagihii 2%-ka ahaa ee uu siduu doono madaxweynaha uga saxeexi jirey.”
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:
https://www.youtube.com/watch?v=K_8tVoT3tyI