Xildhibaan Gavin Williamson oo Khudbad Mihiima ka Jeediyay Fadhigii saaka ee Golaha Wakiillada JSL.

Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska oo Somaliland kala shaqeeya sidii ay ictiraaf uga heli lahayd beesha caalamka Air Gavin Williamson ayaa khudabad u jeediyey mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland khudabadaas ayaa ku saabsanayd dardar gelinta ictiraaf raadinta ee uu xildhibaan Gavin Williamson ugu ololeeye Jamhuuriyadda Somaliland sidii loo aqoonsan lahaa.

Xildhibaanka ayaa balan qaaday inuu dedaalka uu ugu jiro sidii ay Somaliland u heli lahayd aqoonsi caalamiya uu sii laba jibaari doono dedaalkaas uu wado ee uu ugu olelaynayo ictiraafka Somaliland.

Gaba-gbadii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Somaliland Mudane Siciid Mire Faarax Giirre, ayaa xildhibaan Gavin Williamson ugu mahad celiyay dadaalka uu ugu jiro sidii Somaliland ay aqoonsi buuxa uga heli lahayd aduunka.