Fadhigii saaka ee golaha Guurtida Somaliland oo uu shir-gudoominayay gudoomiyaha golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayay mudanayaashu waxa ay dood ka yeesheen siyaasadda arrimaha dibedda.

Mudanayaasha golaha guurtida JSL, ayaa maanta dood adag ka yeeshay siyaasadda arrimaha dibedda ee dalka, waxa ay awooda saareen xaalka Qurba-joogta dalka, oo ay sheegeen inay wakhtigan ka qayb qaadanayaan xaaladaha taagan, waxaanay ugu baaqeen inay ka waantoobaan iska horkeenka bulshada JSL.

Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland waxa ay sheegeen in Siyaasada arrimaha dibeddu ay iibiso siyaasada arrimaha gudaha, waxa ay sheegeen in siyaasadda arrimaha dibeda dalku ay meel fiican marayso, wadanada caalamkuna ay qireen isku tashiga bulshada iyo dawladda ee dalka ka socda.