Xildhibaan Xasan Cawaale oo geeriyooday, Madaxweyne Siilaanyo oo ka tacsiyeeyey qoyskii uu ka baxay iyo qaranka Somaliland

Xasan Cawaale Caynaan oo ahaa xildhibaan laga soo doortay gobolka galiya ayaa ku geeriyooday Jabuuti oo lagaga dawaynayey xanuun.

Xildhibaan Xasan Cawaale wuxu muddo 12 sanno ah ka tirsanaa Golaha Wakiillada Somaliland ka horna wuxu ahaa macallin wax u dhiga ardayda dugsiyada Somaliland.

Alle ha u naxariisto xildhibaanka. Ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Hoos ka akhriso tacsida madaxweyne Siilaanyo.

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golaha wakiilada, guurtida, bahda waxbarashada, waxgaradka, waayeelka,  haldoorka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo xalay oo ay  taariikhdu ahayd 21.10.2017 ku geeriyooday dalka Jabuuti oo uu xaalad caafimaad u jiifay maalmahan.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul ka baxay qaranka Somaliland, gaar ahaan bahda waxbarashada iyo siyaasada dalka, waxaanu marxuumku ka mid ahaa dadkii ka qayb qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, isagoo ka mid ahaa aqoonyahankii qalinka iyo tabaashiirta u qaatay inay dalka u soo saaraan jiilal aqoon iyo cilmi ku dhisan, taasi oo uu muddo ku soo jiray markii danbena uu ka mid noqday golaha wakiilada Somaliland ee wakhtigan jooga, balse ay tii Alle u timid Marxuumka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha wakiilada, guurtida, bahda waxbarashada, waxgaradka, waayeelka,  haldoorka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

     Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.