Wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyada, haatana ah Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii ugu horeysay si adag ula hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Xirsi oo ka hadlayey furitaanka shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani ayaa sheegay in uu Muuse Biixi u soo jeedinayo in aanay Mujaahidnimo CV ama taariikh-nolaleed u noqonayn ee uu la yimaaddo arrin kale oo uu dadka cod kaga kasbanayo.
Sidoo kale Xirsi waxa uu sheegay in aanay jirin cid dafiri karta in uu Muuse mujaahid yahay balse maanta aan la joogin maalinteedii sidaas daraadeed loo baahan yahay in uu la yimaaddo wax kale oo uu dadka ku kasban karo, waxaana uu yidhi:
“Waar wax haggaagsan la kaalay bi’i waayee CV kuu noqon mayso mujaahid baan soo ahaa. In aad mujaahid ahayd cidi kaa dafiri mayso laakiin maanta mujaahidnimo waxba ku tari mayso ee wax hagaagsan la kaalay.”
In kasta oo uu Xirsi laftarkiisu marar badan ku faanay in uu mujaahid ahaa oo uu kaare jiidhay balse haatan waxa uu ku eedeeyey Guddoomiye Kulmiye in uu ku ololaynayo mujaahidnimo. Sidoo kale Xirsi waxa uu shan sanno ah la soo shaqeeyey Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo haatan haya talada dalka walow uu sheegay in aanu marnaba wax ka sheegayn Siilaanyo.
Sida la xasuusan yahay Xirsi waxa uu shalay ka tirsanaa xukuumadda uu hoggaamiyo Axmed Siilaanyo oo ay xisbiga Waddani dhalliilo waaweyn u soo jeediyaan isaguna uu kuwo la mid ah ugu jawaabi jiray, balse Xirsi tan iyo markii uu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumadda Kulmiye ma uu dhalliilin xukuumadda balse waxa uu dhalliisha ugu badan u jeediyaa xisbiga Kulmiye.
Hase ahaatee xubnaha kale ee Waddani ayaad mooddaa in aanay istiraatijiyaddaas kula socon Xirsi kuwaas oo iyagu dhaliila xukuumadda iyo guud ahaan xaalada waddanku marayo.
Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waxa uu taageereyaasha iyo xubnaha xisbiga Waddani oo dhalliilsan waxqabadka xukuumadda Axmed Siilaanyo hortooda ka akhriyey waxqabadkii xukuumaddii Kulmiye ee uu ka tirsanaa taas oo dad badani u arkeen in xisbiga Waddani si dadban u qiray waxqabadka xukuumadda.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in xisbigii Waddani ay dardar cusubi u bilaabantay qunyar-socodnimadiina uu ka baxay taas oo muddo dheer la tebayey. La arkee sida ay wax noqdaan bilaha soo socda!
Halkan hoose ka daawo muuqaalka khudbada Xirsi:
https://www.youtube.com/watch?v=gzNqKFz5BJI&feature=youtu.be