Hoggaanka Kulmiye waxa uu xaflad soo dhoweyn ah u qabtay Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin Reer Gabiley ah oo kusoo biiray

Hoggaanka saree e xisbul-xaakimka Kulmiye  ayaa waxa uu xaflad soo dhaweyn  ah qabtay qaar kamid ah xildhibaannada golaha deegaanka Gabiley oo hore uga soo baxay ururradii tartanka ku hadhay, kuwaas oo si rasmi ah ugu soo biiray xisbiga Kulmiye.

Munaasibad si weyn loosoo agaasimay oo lagu qabtay magaalada Gabiley, ayaa wax aka qayb galay guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, wasiirro, agaasimayaal guud, maamulka gobolka, haween iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxaana si weyn loosoo dhaweeyey xildhibaanada xisbiga kusoo biiray iyo taageerayaashooda.
Hadallo soo dhaweyn iyo bogaadin u badan, ayaa halkaas laga jeediyey, waxana xubnaha xildhibaanada ee xisbiga kusoo biiray oo uu wehelinayey xog-hayihii gobolka Gabiley u qaabilsanaa xisbiga UCID oo isaga laftiisu Kulmiye kusoo biiray oo madashaas ka hadlay sheegeen inay ku qanceen xisbiga dalka hoggaamiye, isla markaana ay taageero hiil iyo hooba leh siin doonaan.
Madaxda gobolka oo ay ugu horreeyaan maayarka, badhasaabka iyo weliba guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolkaas oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey xubnaha xisbiga kusoo biiray, waxana hoosta ka xarriiqeen inay hubaan awoodda iyo cududada ay xubnahaasi xisbiga kusoo kordhin doonaan oo ah mid gobolka si weyn looga dareemayo.

Xubno wasiirro ah oo ay kamid ahaayeen wasiirrada wasaaradaha Beeraha Maxamed Aw Daahir, Warshedaha Shucayb Maxamed Muuse oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa waji furan ku qaabilay xildhibaanada xisbiga kusoo biiray iyo taageerayaashoodaba, waxaana ay intaas ku dareen in ay si dhaw ula shaqayn doonaan cudduda cusub ee xisbigu hantiyey.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna madasha soo afmeeray, ayaa si weyn ugu hambalyeeyey xildhibaanada iyo siyaasiyiinta go’aansaday inay xisbiga Kulmiye kusoo biiraaan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in ay Gabiley tahay meelaha ugu horreeya ee tusaalaha u noqon doonta guul uu xisbiga Kulmiye markale ku rjaynayo in ku hantiyaan hoggaanka dalka.

14718677_313861242310935_5793477186953145879_n 14650082_313860665644326_1266071151793356785_n 14666169_313862855644107_5357709101394105620_n 14681639_313861648977561_8143953887361274113_n 14681762_313861075644285_7979131531744986253_n 14681778_313860822310977_7593784653772948647_n

 

bandhige@gmail.com