Madaxweyne Obama ayaa waxa uu ku dhaliilay musharraxa xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, in uu siyaasaddiisa u ekeysiinayo tan madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uuna markasta ammaano.
Obama ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid aan looga baran siyaasadda Maraykanka.
Trump ayaa ballanqaaday in uu xidhiidh dhow la yeelan doono Ruushka, haddii uu ku guuleysto tartanka loogu jiro madaxtinimada Aqalka Cad.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale Trump ku cannaantay eedeyntiisa ah in lagaga shuban doono doorashada bisha dambe dhacaysa, isagoo ugu baaqay in uu calaacalka joojiyo, isla markaana uu siyaasadihiisa ka iibiyo shacabka Maraykanka.
Trump ayaa waxa ololihii la soo darsay eedaymo la xidhiidhka uu dumarka la sameeyey muddo hore, taasi oo ay warbaahin qaar baahiyey muuqaal uu gabadh si foolxun ula dhaqmo.