Shirweynihii koowaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani waxa uu hadda si rasmi ah uga furmay Hargeysa

Shirweynihii koowaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani ayaa hadda waxa uu si si rasmi ah uga furmay Hudheelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa, waxaanay Madasha ka soo xaadiray masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga Waddani oo uu horkacayo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaanย  Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo dhammaanba ergooyinka kala duwanย  ee ka qayb-gelaya shirkaasi.

Shirkan oo ah shirkii koobaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani ayaa waxa shirkaasi furay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Kaluun.

Dhanka kale shirka ayaa waxa lagu soo casuumay marti sharaf kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahayeen madax ka socotay Xisbiga talada dalka haye ee Kulmiye iyo masuuliyiin ka socotay Xisbiga mucaaridka ah ee UCID , xubno ka socdayย  Komishanka Doorashooyinka Qaranka, salaadiin cuqaal iyoย  xubnoย  kale oo ka socday ururada kala duwan ee bulshada, qurba-joog iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Sidoo kalena waxa munaasabadan ka soo qayb-galay war-baahinta kala duwan eeย  ka hawgasha dalka gudihiisa iyo dibeddiisa, waxaana kamid aha ilaacadaha BbC-da iyo VOA-da, sidoo kalena TV-yada waxay si toos ah u sii daynayaan xaflada furintaanka shirka.

Kala soco Bandhige wixii warar ah ee ka soo kordha Shirka Koowaad ee Golaha Dhexe ee Waddani.

108a4103 108a4076 108a4022 108a4011 108a4094 108a4064

bandhige@gmail.com