Amiir Sucuudi ah oo dil lagu fuliyey, kurkana seef lagaga jaray

 

Xukuumadda Sucuudiga ayaa lagu soo waramayaa in ay shalay kurka ka jartay Amiir Turki Bin Sucuud Al-Kabiiri kadib markii ay maxkamadi dil ku xukuntay 2014-kii isagoo lagu helay in uu ukas u dilay saaxiibkii oo ahaa muwaadin Sucuudi ah.

Dilkan ayaa dhacay goor ay Amiir Turki iyo saaxiibkii ku sugnaayeen goob saxaare ah oo dalxiis loo tago.

Amiir Turki ayaa ku dooday in ay rasaastu kaga fakatay saaxiibkii laakiin waxa lagu caddeeyey in uu ahaa dil u kas ah uuna ficilkaas gaystay kadib markii ay isku xanaaqeen isaga iyo saaxiibkii.

Dilka Amiir Turki wuxu ka mid yahay dilalka dhifta ah ee lagu fuliyo xubnaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo tiradoodu kumanaan kor u dhaaftay.

Xukuumadda Sucuudiga ayaa sharcigeedu yahay in ay seef kurka kaga jarto ciddii dil lagu xukumo. Sannadkii ina dhaafay waxa dil lagu fuliyey 158 oo isugu jira muwaadiniin Sucuudi ah iyo ajaanib taas oo dalka Sucuudiga ka dhigaysa waddanka saddexaad ee ugu badan fulinta dilalka, waxaana ka horreya oo kaliya Iiraan iyo Baakistaan.

Dalka Sucuudiga ayaa dil lagu xukumaa cidda lagu helo ka-ganacsiga daroogada, argagixisanimo iyo ciddii dhagar gaysata.

Xukuumadda Sucuudiga ayaa fulinta dilkan ku tilmaantay mid caddaalad ku dhisan iyadoo sheegtay in caddaaladdu aanay cidna u habranayn.

Ururrada xuquuqda aadamaha u dooda ayaa Sucuudiga ku eedeeya in aan la aqoon nidaamka maxkamadaha dalkaasi maraan lagana shaki qabo in caddaaladdoodu dhammaystiran tahay.

Il-wareed: The Guardian

BANDHIGE NEWS

Bandhige@gmail.com