Hay’adda UNESCO oo masjidka Al-aqsa ka soo saartay go’aan ka dhan ah Yuhuudda

 

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee magaceeda loo soo gaabiyo UNESCO ayaa soo saartay go’aan ka xanaajiyey Yuhuudda oo al xidhiidha masaajidka Al-Aqsa.

UNESCO ayaa go’aankeedu yahay mid dhalliilay siyaasadaha Israa’iil ee la xidhiidha masaajidka Al-Aqsa isla markaana waxay goobtaas barakaysan u diwaangelisay in ay tahay masaajid.

Xukuumadda Israa’iil ayaa joojisay wada-shaqayntii ay hay’addani la lahayd waxayna ku eedaysay in ay UNESCO iska indho-tirtay in goobtaasi ay Yuhuudda u tahay meel barakaysan oo ay ku cibaadaystaan.

UNESCO oo xarunteedu tahay Paris waa hay’adda kali ah ee ka tirsan Qaramada Midoobay ee dalka Falastiin si buuxda u aqoonsatay xubinimana siisay go’aankaas oo sababay in Maraykanku ka jaro deeqihii uu siin jiray hay’addan.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

BANDHIGE NEWS

Bandhige@gmail.com