Xisbiga UCID wuxu xaflada soo dhoweyn ah u sameeyey Garabka Badbaadinta Xisbiga WADDANI

 

Xisbiga UCID Ayaa maanta xaflad balaadhan oo uu ku soo dhawaynayo Garabka Badbaadada Xisbiga WADDANI Ku qabtay magaalada Hargeysa, kuwaas oo ku soo biiray Xisbiga UCID.

Xafladdan oo ahayd mid si heer-sare ah loo soo agaaismay ayaa ahayd mid ilyartu is qabatay oo ay ka soo qeyb galeen Masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga UCID, Xubnaha Garabka Badbaadada Xisbiga WADDANI iyo taageerayaashoodi, Haween, Dhallinyaro iyo taageerayaal kale.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Xog-hayaha Golaha Dhexe Maxamudu Cali Jiir waxaanu sheegay in Degmada Axmed Dhagax ay horeba u ahayd Xisbiga UCID, intii hadhayna ay maanta ku soo biirrtay UCID.

Xubnaha Hogaanka Garabka Badbaadada WADDANI oo dhawaan ka soo digo-rogtay Xisbiga WADDANI ayaa halkaasi ka hadlay, waxaanay sheegeen in ay ku hungoobeen Xisbiga WADDANI, isla markaana maanta Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ay ku suntanyihiin Qabyaalad, balse Xisbiga UCID yahay Xisbiga Qudha ee qabyaaladda ka fog, Dalkuna u baahanyahay.

Gudoomiyaha, Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa halkaasi ka jeediyay Khudbad Taarikhi ah, isagoo ka waramay taarikhdii Balli-Gubadle iyo haldoorka ka soo jeeda Deegaankaasi ee ku suntan Taarikhda Somaliland.

Sidoo kale wuxu Gudoomiyuhu u hogo-tusaaleeyay Bulshadii halkaasi ku sugnayd xaaladda dhabta ah ee lagu suganyahay, iyo sida looga bixi karo.

Ugu danbayn Gudoomiyuhu wuxuu bulshada ugu baaqay in ay codkooda ku badbaadiyaan qaranka oo ay u codeeyaan Xisbiga UCID.

bandhige@gmail.com