Xisbiga WADDANI oo lagu Eedaysay Inuu Haysto Ciidamo sharci Darro ah

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa Musharaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ku eedeeyay in uu gurigiisa ku haysto ciidan beeleed.

Wasiirka Wasaarada hawlaha   Guud Guriyaynta iyo Dhulka  Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, oo waraysi gaar ah siiyay MMTV, ayaa musharax Cirro ku eedeeyay in uu haysto ciidan aan diwaangashanayn.

Waxaanu yidhi.” Cirro dhowr iyo soddon qof oo aan ciidanka qaranka ahayn, oo jufadiisa ah ayuu ku haystaa gurigiisa dowladuna way ogtahay, gurigiisa hadaad tagto ciidankaba kama tirsana waxa uu gurigiisa ku haystaa”

Wasiir Abokor oo la waydiiyay sababta ay xukuumaddu tallaabo uga qaadi wayday Cirro hadiiba uu haysto ciidan sharci daro ah, ayaa ku jawaabay in ay wakhtigeeda la sugayaan.

Waxaanu yidhi.”Waxa weeyaan in duruufta jirta la eego, maanta ninkaasi wuxuu diyaar u yahay in Somaliland dunto, annagu Somaliland gacantayada ku dumin mayno, waxkastaaba waxay u baahanyihiin in wakhtigeeda laga falceliyo”

xigasho: Wargeyska Dawan

bandhige@gmail.com