Xisbiga Waddani oo si adag uga fal-celiyey eygii calanka xisbigooda loogu xidhay Gabiley

Warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Warfaafinta Waddani Boobe Yuusuf Ducaale ayaa lagu sheegay in xukuumadda Somaliland, Kulmiye iyo Dawladda Hoose ee Gabiley ay isku kaashadeen falkii calanka Waddani eyga loogu xidhay dhawaanta.

Boobe Yuusuf Ducaale wuxu sheegay in falka noocan ahi uu horseedi karo qoqob hor leh oo bulshada ku yimaad iyo iyadoo ay cidiba meel sheegato sidaasna ay  ku baaba’aan xisbiyadii dimuqraadiga ahaa.

Xoghayaha Warafaafinta ee Waddani wuxu sheegay in hadal wefti dhawaan booqday Wajaale ay sheegeen oo ahayd in ay Wajaale ku jecel yihiin eygii loo xidhay calanka UDUB ay daliil u tahay in tanna xukuumadda uuni ka dambaysay.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka waddan oo dhammaystiran.

War-saxaafadeedka Waddani