Xisbiga Waddani Waxaan Leeyahay Gobolka Gabilay Idinka Saamixi Maayo Aflagaadadii iyo Kala Qaybintii Bulshada”

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Habane ayaa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ku eedeeyay in uu kala qaybinayo bulshada ku dhaqan gobolka Gabiley, waxaanu tilmaamay in bulshada gobolkaasi aanay ka saamixi doonin hagardaamada ay u geysteen.

Wasiirka Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Habane waxa kale oo uu sheegay in bulshada reer Gabilay ay xasuusan yihiin sida madaxda ugu saraysa ee xisbiga WADDANI ay u caadaysteen af-lagaada iyo cayda bulshada reer Gabilay.

Wasiir Axmed Maxamed Habene oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay Xisbiga WADDANI Gobolka Gabilay idinka saamixi maayo aflagaadadii iyo kala qaybintii Ummada iyo sidii foosha xumayd ee madaxda muhiimka ah ee xisbiga WADDANI ay u aflagaadeeyaan gobolka Gabiley. Iyada oo madaxda ugu saraysa xisbiga WADDANI ay si xishood darro ah, ixtiraam darro ah iyo kala qaybin ummadeed ay mar walba ku caayaan bulshada reer Gabiley.”

Wasiirka Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Habane waxa kale oo uu ammaan u jeediyay wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) waxaanu ku majeertay horumarka ballaadhan ee uu ka hirgeliyay xarunta wasarada oo maanta ka mid ah goobaha loo dalxiis tago ee ugu bilicda iyo quruxda badan dalka

Wasiir Axmed Maxamed Habene waxa uu sheegay in Xisbiga KULMIYE uu cod aqlabiyad ah oo ka badan kii doorashadii hore uu kaga guulaysan doono xisbiyada mucaaridka ee Waddani iyo UCID, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay guushu way ka badan doontaa tii hore, boqolkiiba todobaatan ama lixdan insha ALLAAH ayaanu rajaynaynaa iyada oo aanu kasbanay dadkayagii iyo dadkayagii iyo ummadii u codaynaysay ba. Xisbiga KULMIYE-na xisbi loo baqo maaha, waa xisbi guusha hantiya, sidoo kale xisbiga KULMIYE waa mideeyaha bulshada reer Somaliland.”

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com