Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta maaliyada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ku baaqay in la fuliyo oo lagu dhaqmo xeer nidaamiyayaasha baanka dhexe soo saaray.
Wasaaradda Horumarinta maaliyada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad oo hadal ka jeediyey shalay munaasibad Baanka dhexe ku daahfuryay dhaqan-galka xeer nidaamiyayaal uu soo saaray ayaa sheegay in dal walba dhaqaalahiisa lagu qiimeeyo heerka hayโadahiisa maaliyadu taagan yihiin.
Wasiiir Sacad Cali Shire oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu โHayโadaha maaliyaddu horseed ayey u yihiin hanaanka dhaqan dhaqaalaha ee wadanka. Waa barkulanka diraha, loo-diraha, qaataha, dhigaha, sariflaha, sariftaha, iibsadaha iyo iibiyaha.โ
Waxuu sheegay in shaqada hayโadaha maaliyadu ku dhisan tahay laba shay oo ah is-aamin iyo kalsooni, waxaanu yidhi
โKhataro badan ayey leeyahiin, si looga hortago waxa loo baahan yahay xeerar iyo xeer-nidaamiyeyaal, hab-raacyo iyo siyaasadoโ
Dr Sacad ayaa sheegay in samaynta xeerarka ka muhiimsan tahay dhaqangelintooda,
โXilka koowaad ayaa Baanka dhexe ka saran hubinta dhaqangelinta xeerarka iyo xeer-nidaamiyeyaasha uu soo saaro, sidoo kale waa in baananka gaarka, sariflayaasha, xawaalahada, shirkadaha adeegyada danabaysan ay hirgeliyaan si loo gaadho faaโiidada xeer-nidaamiyeyaasha.โ
Waxuu uugu baaqay daneeyeyaashii kulanka ka soo qeybgalay inay wadajir uuga shaqeeyaan dhaqangelinta xeer-nidaamiyeyaasha Baanka Dhexe soo saaray.
Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com