Xog-hayihii cusbaa ee Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa oo maanta si rasmi ah xilkii ula wareegay

20160120_102839_2

Munaasibad si heer-sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa. Munaasibaddan oo dulucdeedu ahayd sidii xilka loogu kala wareejin lahaa xog-hayihii hore ee DHH Mudane Ibraahim Axmed Raabi iyo Xog-hayaha Fulinta ee cusub Mudane Axmed Maxamed Cabdilaahi (Darajo).

Xafladdan oo ay ka soo qeyb-galeen guud ahaan haldoorka Soomaalilaan oo ay ugu horeeyaan masuuliyiin ay ka mid yihiin, Maayarrada magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley, Agaasimayaasha Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka, Salaadiin, Cuqaal, Aqoon-yahanno, Haween iyo Shaqaala-weynaha Dawladda Hoose ee Hargeysa,

Agaasimaha Arimaha Bulshada iyo Bilicda ee Dawladda Hoose ee Hargeysa Mudane Khadar Yuusuf Ali oo isagu ku hadlayay afka guddidii qaban-qaabada ayaa si xeel-dheer uga warramay wax-qabadyada lagu xusuusan doono xog-hayihii hore Mudan Raabi kuna soo dhaweeyay xog-hayaha cusub Mudane Darajo, u na sheegay inay shaqaale ahaan si wanaagsan ula shaqayn doonaan sidii ay xog-hayayaashii hore oo dhan ula soo shaqayn jireen.

20160120_104340

Munaasibaddan oo isugu jirtay soo dhaweynta Xog-hayaha cusub iyo sagootinta Xog-hayihii hore. Dhammaan intii meesha ka hadashay ay qireen Xog-haye Ibraahim inuu ahaa shakhsi shaqo wanaag iyo hawl-karnimo isku darsaday.

 

Qofkasta oo ka hadlay munaasibaddu wuxuu si faah-faahsan u sharraxay muddadii koobneyd ee uu xog-haye Ibraahim xilka hayay iyo shaqadiisii toolmoonayd ee uu sida hagar la’aanta ah u waday, iyo waliba wax-qabadka faraha badan ee uu horseedka ka ahaa.

20160120_110522

Xog-haye Ibraahim oo ka xog-warramay intii uu joogay Degmada Hargeysa wixii u qabsoomay iyo wixii u qorsheysnaa ee uu Sunnaha Dawladnimo ka soo gaadhay. Wuxuu sheegay inuu kodhiyay Dakhliga Dawladda Hoose, iyo Gaadiidka. Waxaa kale oo uu qeyb laxaad leh ka ahaa MACIDDAADkii Dawladda Hoose ay ka soo Iibsatay shirkadda Etoobiyaanka ah ee METEC. waxaa kale uu Ibraahim u mahad-celiyay dhamaan xildhibaanada golaha deegaanka iyo guddida fulinta ba sidii wacneyd ee ay u soo wada shaqeeyeen mudadaa koobneyd, dardaaran culusna ugu jeediyay inay sidii iyo si kasii fiican ba ula shaqeeyaan xog-hayaha cusub Mr. Darajo.

 

Xog-hayaha Cusub Mudane Axmed Darajo oo isaguna goobta ka hadlay ayaa xusay in uu fir-fircooni iyo aragti uu is-beddel ku samayn karo ay ku jirto dhalinyaro ahaan, kaliya ay u baahan tahay fulintii, taas na uu diyaar u yahay. Xog-hayuhu wuxuu ballan-qaaday inuu dhex-u-noqon doono shaqaalaha iyo shaqada dawladda hoose, waxaa kale oo uu sheegay inuu wanaajin doono xidhiidhka ka dhexeeya Dawladda dhexe iyo ta hoose, dadweynaha dhamaantood ka codsaday inay u duceeyaan inuu ilaahay ku asturo xilkaas culus ee loo igmaday, lana shaqeeyaan si ay himilooyinkiisu u hirgalaan.

 

Maayarka Gabiley Mudane Maxamed Amin Cumar ayaa isaguna hadallo duco iyo dardaaran iskugu jira ka jeediyay madasha. Xog-hayihii hore na ugu duceeyay baddel khayr qaba, xog-hayaha cusub na ugu duceeyay inuu ilaahay xilkaa u fududeeyo. Caasimaddana ku ammaanay horumarka ay sameynayaan na u sheegay inay kaga dayanayaan.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Ambaasaddoor Cabdifataax ayaa isaguna goobta hadallo ka jeediyay sheegayna inuu xog-hayuhu yahay Biriishka isku xidha Dawladda Dhexe iyo Dawladda Hoose, xog-hayihii hore u duceeyay sheegayna inuu wakhti dhaw xil-kan ka sarreeya heli doono. Xog-hayaha Cusub na kula dardaarmay inaanu ku dhex-milmin Golaha Deegaanka, dhinacna uga bixin ee uu la shaqeyn dhaw la yeesho dhamaan qeybaha ka la duwan ee waaxaha iyo golaha deegaanka.

 

Ugu dambayn na waxaa soo gaba-gabeeyay Duqqa Caasimadda Hargeysa, ahna Maayarka Maayarrada Jamhuuriyadda Soomaalilaan Mudane Abdirahman Mohamoud Aideed​ (Soltelco) ayaa isaguna soo dhaweeyay xog-hayaha cusub una sheegay inaanay wax calool-xumo ah loo haynin haday tahay golaha deegaanka iyo shaqaalaha mid toona. Wuxuuna xog-hayihii hore ugu duceeyay inuu beddel khayr qaba siiyo, kuna amaanay guulaha iyo wax-qabadyadaana uu qeyb-ta ugu muhiimsan ka ahaa waayo Xog-hayuhu waa mishiinka wareejiya shaqada iyo shaqaalaha dawladda hoose. Xoghayaha cusub na ugu duceeyay inuu ilaahay ku asturo xilkaas culus.

 

Waxaa halkaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay Xog-hayihii hore Mudane Ibraahim Axmed Raabbi shaqo-wanaaggii iyo hawl-karnimadii uu muujiyay.

 

Waxaana halkaa xilka ku wareejiyay xog-hayihii hore kuna wareejiyay Xog-hayaha cusub.

 

Dawladda Hoose ee Hargeysa