Falan-qayn: Dhaliilaha ka muuqda barnaamijka Waddani Q.1aad (WQ: Drs Hoodo Yuusuf)

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay London waxa uu xisbigga Waddani ku soo    bandhigay  barnaamijkiisa   siyaasiga ah  “Political Platform” .Markii aan ka arkay  shaashadaha, waxa ka muuqatay shax-shax  iyo kharash burburin. Waxaan akhriyay   qabyo qoraal ku qoran  Af-soomali, .Inta aanan u gudbin falanqaynta barnaamijka, waxaan is yara dul-taagaya barnaamijyada  labada xisbi qaran  ee  “New UCID  &  Kulmiye “

1). New UCID:   Barnaamijka New UCID ,ee ku jira websitekooda, waa kii Guddoomiye Faisal ku galay doorashooyinkii uu guul-daraystay, waxba lagama bedelin waqtigiisuna wuu dhacay   ” Outdated Platform”.  Musharax Jamaal Cali Xuseen sooma bandhigin barnaamij cusub. Waxa muuqata New UCID in aanu diyaar u ahayn   tartan Madaxwaynenimo, laakinse uu diyaar u yahay ka Golaha Wakiiladda. Musharax Jamaal Cali Xuseen  waa siyaasi laangadhe ah, oo aan  lahayn  ku-xigeen. lugta kalena waxa haya   Guddoomiye Faysal, mana muuqato in uu barnaamij keeni doono.

2).Kulmiye:  Barnaamijka  Kulmiye kuna jira websitekooda,  waa kii Madaxwayne Siilaanyo ku guulaystay  June, 2010, waxaanu ku ee kaa June,2015  “Outdated Platform “.  Musharax Muuse Biixi sooma bandhigin barnaamij cusub uu dalka ku hago, Sida muuqata ololahiisu wuxuu ku qotoma Qabyaalad iyo  beelaysi. Wuxuu ku tiraabay  in ay soo cugatay  beesha Sacad Muuse , Reer Abtigii  Garxajisna  diyaar yihiin, beesha  “Arabna” deeegaanka “ Hawd” wadaagan “   Beesha “Habar-jeclana ” waxay  maraysa  halka uu Madaxwayne  Siilaanyo mariyo ; Sameroona  waxay  ku jirta gacanta  Saylici , inta soo hadhayna  yeelkooda “ Harti ,Ciise iyo Gabooye  “. Haddii xaalku xumaado, waxa heegan ku jira  ciidanka qaranka iyo Jenaral Shaqale.

  1. Waddani:  Xisbigu wuxuu soo bandhigay barnaamij  waqti, tamar  iyo kharash badani ku baxay. Wuxuu ku qotomaa  shan tiir “5 Pillars”oo kala ah 1. Difaaca Qaranka  2. Dib-habaynta Maamulka iyo Siyaasadda 3. Kobcinta Dhaqaalaha 4. Caafimaadka 5.  Nolosha Bulshada iyo Dhallinyaradda .

Markii aan   akhriyay,  waxa iiga soo baxay arrimaha  soo socda:

  1. Barnaamijka xisbigu  wuxuu diirada saarayaa  muddo aad dheer  “Time horizon “  oo ku  aadan ilaa 2030,lamana sheegin sababta uu xisbigu u calaamdsady waqtigaas fog . Waxa qumanayd in barnaamijku ku ee kaado illaa   2017-2022   “Shan Sano” oo  ah  muddada uu  xisbigu  haynaayo maamulka, haddii uu ku guulaysto .
  2. Qaabka uu  barnaamijku u qoran yahay waxa ka muuqda ka-kanaan iyo adadkaan “Rigidity”,oo aan akhristaha soo jeedinayn, isma   waafaqsana   tusmadda  “Table of contents”  iyo qoraaladda ku qoran  guddaha. Waxa    badan  kelmadaha   isku macnaha  ee soo noqnoqonaaya “ Verbosity”.Waxa haboonayd in loo qoro qaab debecsan, xidhiidhsan, fudud oo si dhibyar akhristahu u fahmi karo .
  3. Mabaadi’da Guud iyo Higisiga Guud  laba meelood ayaa lagu kala qoray. Markii aan akhriyay, waa isku mid faraq wayni uma dhaxeeyo “ Redundancy”. Waxa  haboon in la mideeyo oo meel laysagu keeno.

Ilaa iyo iminka,  waxa la odhan karaa, waa xisbigga qudha ee soo bandhigay barnaamij dhamaystiran, inkasoo u baahan yahay dib-u-habayn fara  badan ”Editing and Re-formating “

“ la soco qoramooyinka  danbe “

Drs.Hooo Yusuf, U.K,London.

yhoodo@yahoo.com