Taliyaha Laanta Socdaalka oo ka warbixiyey hawl-galada dib loogu celinayo dadka sharci darada ku jooga Somaliland

Taliyaha Laanta Socdaalka Maxamed Yuusuf Canbaro ayaa bulshada ku dhaqan Somaliland ugu baaqay in aan waxyeelo loo gaysan dadka aan u dhalan dalka inta laga saarayo, waxaana uu amaanay dad badan oo ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada oo Ciidanka isku dhiibay si loogu celiyo dalkoodii ay wakhtiga badan ka maqnaayeen.

Taliyuhu waxa uu sheegay in hawl galadu ay ciidanku dib ugu celinayaan dadka sharci darada ku jooga Somaliland ka bilaabantay dhammaan gobolada dalka.

Taliyaha oo ka hadlay arrimahan ayaa waxa uu yidhi:

”Waxaan bulshadda Somaliland ugu baaqayaa in aanay wax dhibaato ah u gaysan dadka aynu walaalaha nahay ee u dhashay dalka Itoobiya, bulshadda waxaan ku adkaynayaa in cidda kaliya ee dadkaas wax ka qaban kartaa waa ciidamada kale ee Somaliland sidaas daraadeed waa in aanay dadweeynuhu gacan ula tagin.”

Isaga oo hadlakiisa siiwatana waxa uu yidhi:

”Waxaan halka ka tilmaami lahaa in qoysas badan oo isa soo abaabulay ay gacanta ciidanka isku dhiibeen, waxaana ay dalbadeen in lagu celiyo dalkoodii iyo meeshii ay ka yimaadeen.”

Sidoo kale waxa uu baaq u diray dadweynaha sharci daradda ku jooga Somaliland ee aan wali gacanta u soo galin ciidanka, in ay si dhakhso ah isku soo dhiibaan ciidanka, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiidhi:

“Waxaana farayaa cidda kale ee aan wali soo gali gacanta ciidanka in aanay amarad ka dhaga adaygin ee ay sharciga u hoggaansamaan, kuna Noqdaan dalkoodii.”

Hawgalkan ayaa waxa saamayn doon dad tiro badan uu dhashay waddanka Itoobiya oo ku sugan guud ahaan gobolada oo dhan.

 

bandhige@gmail.com