Xoghayaha Guud ee xisbiga Waddani waxa uu ka hadlay xadhiga Ugaas Cabdiraxmaan iyo Muniin Axmed Cigaal

Xogahaya Guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-cade ayaa waxa uu ka hadlay xadhiga ay xukuumadda Kulmiye kula kacday Ugaas Cabdiraxmaan Diiriye, kaas oo hadda muddo 20 cisho ku dhaw ku xidhan magaalada Hargeysa iyo Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan xisbiga Waddani oo maalintii shanaad ku jira xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, una xidhay eedayn ah in uu ka dambeeyey kooxdii weerartay nin lagu magacaabo Jaamac Jiir oo dhaawacyo lasoo gaadhsiiyey.

Jaamac Jiir ayaa waxa uu inta badan dhalliilo u soo jeedin jiray garabtii ku biiray Waddani ee uu hoggaaminayey Xirsi Xaaji Cali Xasan oo haatan ah hoggaamiyaha xisbiga Waddani. Jaamac ayaa waxa uu dhalliishii u dambeysa kahor intii aan weerarka lagu qaadin usoo jeediyey hoggaamiyaha Waddani iyo xisbigaba.

Maxamed Cabdilaahi Uur-cade xoghayha guud ee xisbiga Waddani ayaa si waxa uu cambaareeyey xadhiga ay xukuumadda Kulmiye kula kacday Ugaas Cabdiraxmaan Diiriye iyo Muniir Axmed Cigaal oo ah sarkaa ka tirsan xibiga Waddani, isagoo sheegay in xataa loo diiday eheladoodu in ay booqdaan, waxaanu ugu baaqay Xukuumadda Kulmiye in ay si deg deg ah xorriyadooda ugu soo celiso, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Ugaas Cabdiraxmaan Diiriye iyo siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo runtii si sharci darro ah oo ka baxsan nidaamka dawlad-nimo iyo shuruucda qarankani uu leeyahay saldhiga ugu xidhan oon maxakamadda la keenin oo ilaa maanta dadkiina loo diidan yahay in ay u galaan aad iyo aad ayaanu u cambaaraynaynaa,waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa in ay madax-dhaqameedkaa qaranku leeyahay iyo siyaasiyiintaa xisbiga Waddani ka tirsan ee uu Muniir kamid yahay in si dhakhso ah loo soo daayo.”

Sidoo kale waxa uu xoghayuhu ka hadlay isku shaantayntii uu Madaxweyne Siilaanyo  ku sameeyey xukuumaddiisa, waxaanu yidhi isagoo arrintaas ka hadlaya:

“Madaxweyne aaway balanqaadkii, aad ummadda u balanqaaday in aad dhisi doonto dawlad tayo leh oo tiro yar.”

Halkan hoose kaa daawo muuqaalkan warkan:

bandhige@gmail.com