Maraykanka waxa uu ku dhawaaqay in dib loo tiriyo codadkii doorashada Michigan

Maxkamad Faderaal ah oo dacwad dhagaysatay ammin dambe oo habeennimo ah ayaa amartay in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay gobolka Michigan intii ay socotay doorashadii Madaxwayne-nimada ee dalka Maraykanka.

Xaakimka maxkamadda ayaa amray in dib u tirinta codadku aysan ka ib dhicin duhurnimada Isniinta (wakhtiga Maraykanka).

Saraakiisha gobolka ayaa rabay in dib loo dhigo illaa Arbacada laakiin xaakim Mark Goldsmith ayaa xoojiyay doodii Jill Stein oo madaxwaynenimo ugu sharaxnaa xisbiga Green Party kaas oo ahaa in aysan dastuurka waafaqsanayn in dib loo dhigo dib u tirinta codadka.

Michigan waxay ka mid tahay saddexda gobol ee Donald Trump uu codadka yar kaga guulaystay Hillary Clinton lagana dalbaday in dib u tiran laga sameeyo.

Xisbiga Green Party ayaa sheegay in sababta ay dib u tirinta u dalbanayaan ay tahay ilaalinta sumcadda hannaanka doorashada Maraykanka balse aysan ka ahayn in isbadal uu ku yimaado natiijada doorashada.

bandhige@gmail.com