Bakistaan: 11 qof ayaa ku dhintay dab ka kacay hudheel dadka ladani dagaan

Ugu yaraan 11 ruux ayaa dhintay kadib markii uu dab ka kacay hudheel ay dadka ladani dagaan oo ku yaalla magaalada Karachi, ee dalka Bakistaan.

Dabka ayaa ka billawday maqbakha hudheel oo  ku taalla qaybta hoose ee Hudheelka  Regent Plaza, ka hor inta uusan ku fidin dhismaha qaybihiisa kale sida ay ku waramayaan warbaahinta gudduhu.

In kabadan 70 ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii uu dabku go’doomiyay dadkii hudheelka daganaa oo qaarkood ay heleen meelo kooban oo ay ku baxsadaan.

Warbixinno badan ayaa sheegaya in dadka ay waxyeeladu soo gaadheen ay ka mid yihiin dad ajaaniib ah.

Muuqaal talefeshin ayaa muujiyay go’yaal sariir oo la isku xirxiray oo ka laad laada daaqadaha hudheelka, kuwaas oo la sheegay in ay dadka qaar ku daadageen.

Khaalid Maxamuud oo ka mid ah dadka dhaawacmay oo yaalla sarariir cisbitaal ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in uu go’yaal isku xidhxidhay si uu uga soo daadagto dabaqa afraad.

Wuxuu sheegay in go’yaashii ay u gaadhii waayeen ilaa iyo dhulka ayna dantu ku qasabtay in uu boodo isaga oo badhtanka maraya.

Wakaaladda wararka ee Associated Press of Pakistan ayaa soo xigatay duqa magaalada Karachi, Waseem Akhtar, oo sheegaya in dhismuhu aanu lahayn marin kale oo loogu talagalay in loo adeegsado haddii xaalad dagdag ah ay dhacdo.

Dab damiska ayaa soo badbaadiyay dadka qaar iyaga oo adeegsaday salaamo.

bandhige@gmail.com