Amiirada ugu weyn carruurtii uu awoowga u yahay Imbiraadoorka Dalka Japan Akihito ayaa goโaansatay in ay ka tanaasusho awoodeedii Amiirnimo si ay fursad sharci u siiso jacaylkeeda kala dhexeeya Inankii ay isku jaamacada ahaayeen ee ka dhashay Qoyska saboolka ah.
Amiiradu waxay ku talo jirtaa in ay ka mid noqoto dadka caamka ah haddii uu qabsoomo guurka ay ku ballansan yihiin inankaasi.
Wax yar ka dib markii ay soo baxday in amiirada la soo doonayo oo ay gadh-castu is hor fadhiisan doonto ayaa Ki Kumoro 25 jir ah oo ah inanka ay dartii amiiradu isaga xayuubinayso awoodeedii waxayย saxaafadu muuqaalo kaga soo qaaday isagoo hortaagan xafiis qareen oo uu ka hawlgalo oo ku yaalla caasimada Tokyo.
bandhige@gmail.com