Xubno ka mid ah qurbe-joogga Somaliland ee Ingiriiska ayaa shahaado-sharaf guddoonsiiyey mulkiilaha Summer Time

Xubo ka mid ah qurbe-joogga reer Somaliland ee cariga Ingiriiska gaar ahaan magaalada London ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay ganacsadaha dhalinyarada ah ee Siciid Sheekh Cumar Yuusuf oo ah Mulkiilaha Summer Time Group.

Xaflad si balaadhan loo soo agaasimay oo isugu jirtay casho sharaf iyo gudoonsiinta shahaado sharaftaa oo caawa lagu qabtay Summertime Green Plaza ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), wasiirka xidhiidhka Golayaasha iyo Technology ga Cali Xaamud Jibriil, badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine), La taliyaha madaxwaynaha ee arrimaha saxaafada Khadar Ali Gaas, Wasiirkii hore ee wasaarada Kaluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Taliyihii horee ee ciidamada ilaalada madaxtooyada Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise, Gudoomiyaha iyo xubno ka mid ah ururka Table 7 ee ka dhisan magaalada London ee wadanka Ingiriiska, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Wasiirkii hore ee wasaarada Kaluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo furitaankii xafaladaa hadalo kooban ka jeediyay ayaa ku sifeeyay ganacsadaha dhalinyarada ah ee Siciid Sheekh Cumar Yuusuf oo ah Mulkiilaha Summertime Restaurant iyo Summertime Group mid ku dayasho mudan isla markaana ay ahay inay ku daydaan dhalinyarada kale ee wadanka gudihiisa iyo dibadiisa ku nooli.

Cabdilaahi Geeljire oo kamid ah macaamiisha aadka ugu xidhan Summertime Restaurant ayaa waxa kale oo uu halkaa ka sheegay in ganacsade Siciid Sheekh Cumar uu bulshada reer Somaliland gaar ahaan qurbe joogta uu dib ugu celiyo faaiidooyinka uu ka helo ganacsigiisa isagoo ku tilmaamay shakhsiga kaliya ee ay ku soo hirtaan qurbe joogta reer Somaliland.

Xamse Ducaale oo kamid ah madaxda ururka qurbejoogta reer London ee Table 7 Group ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay in Mulkiilaha Summertime Restaurant Siciid Sheekh Cumar shahaadadan la gudoonsiiyo isagoo sheegay inay tahay markii labaad ee shahaadadan ay bixiyaan iyadoo sanadkii hore shahaadadan la gudoonsiiyay Wariyada caanka ah eek a hadasha TV ga Horn Cable, Nimco Maxamed Cumar (Nimco Samriye).

Xamse Ducaale waxa kale oo uu sheegay in boqol iyo dheeraad oo kamid ah qurbejoogta Table 7 group ay cod gacan taag ah u qaadeen sadexda Hotel ee Somaliland ugu waawayn oo kala ah Maansoor Hotel, Ambassador Hotel iyo Summertime Restaurant halkaas oo Summertime Restaurant ay gacanta u taageen dhamaan tiradii boqol iyo dheeradka ahayd ee madasha fadhiday marka laga reebo sadex qof oo iyagu u codeeyay labadad Hotel ee kale.
Gudoomiyaha Ururka Table 7 Group Mr. Kenadiid oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday kaalinta uu Siciid Sheekh Cumar kaga jiro ganacsatada Somaliland iyo horumarka dhalinyarada wadanka, isagoo sheegay in Siciid Sheekh Cumar uu ganacsigiisa balaadhan ku sameeyay Somaliland isagoon tahriibin qurbahana tagin, waxaanu usoo Jeediyay Dhalinyarada Somaliland inay ku daydaan Siciid oo ay wadankoda aaminan.

Masuuliyiinta kale ee halkaasi ka hadashay wax aka mid ahaa badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine), La taliyaha madaxwaynaha ee arrimaha saxaafada Khadar Ali Gaas, Taliyihii horee ee ciidamada ilaalada madaxtooyada Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise, iyo Cabdi Cali oo kamid ah Qurbeoogta reer Somaliland.

Gabogabadii xafladaasi waxa iyaguna hadalo kooban ka soo jeediyay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), wasiirka xidhiidhka Golayaasha iyo Technology ga Cali Xaamud Jibriil iyagoo si wada jir ahna shahaado sharaftii ugu gudoonsiiyay ganacsade Siciid Sheekh Cumar.

Ganacsadahan da’ada Yar ee reer Somaliland Siciid Sheekh Cumar ayaa waxay da’diisu tahay 37-jir waxaanu leeyahay Hudheelka loogu jecel-yahay Somaliland ee Summer-Time Restaurant, isaga oo ganacsigiisa ka bilaabay Dukaan yar oo Shaaha iyo Bunka lagu iibiyo sanadii 2003-dii imikana uu korey ganacsigiisu,waxa uu Sameeyey Hoolka Casriya oo lagu qabto Xafladaha oo la yidhaahdo Summertime Green Plaza , Sidoo kale waxa uu curiyay Huteel cusub oo ah hurdo loo sameeyey habka guryo goglan oo isku qoofallan (Apartments), waxa imika socda Huteel Shan Dabaqa oo sanadka 2016-ka la furi doono.

Bishii Todobaad ee sanadkan aynu ku jirno ayaa Ganacsade Siciid Sheekh Cumar ayaa waxa uu Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kaga-qeyb galay Shirka caalamiga ah ee Curiyayaasha aduunka (Global Entrepreneurship Summit (GES) oo sanadkiiba mar la qabto, Shirkaas oo uu furay madaxwaynaha wadanka Maraykanka Mr Barack Obama.

Warbixintan waxa diyaariyey: Cabdirisaaq Itaqile, Somalilandmonitor.com