Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in dagaalamayaal ka tirsan Al Shabaab ay Laascaanood yimaadeen.

Xukuumada JSL ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan kooxda Al shabaaab oo hoggaaminaya 600 oo dagaalyahan uu yimid magaalada Laascaanood.

Qoraal ay baahisay Wasaarada arrimaha Dibada Somaliland, ayaa lagu sheegay in dagaalyahano xagjir ahi ay soogaadheen magaalada Laascaanood.

“Ciidamada Amaanka ee Xukuumadda Somaliland waxay xaqiijiyeen in ku dhawaad 600 dagaalyahan oo uu hoggaaminayo Fu’aad Maxamed Qalaf (Shanqoole) oo ah mid kamid ah hoggaamiyaasha Al Shabaab ay Laascaanood soo galeen.”Ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda.

Sidoo kale xukuumadda Somaliland waxay sheegtay in Shanqoole uu doonayo in uu saldhig ciidan ka samaysto buuralayda gobolka Sanaag, waxayna sheegtay in bilihii lasoo dhaafay ay kor u kaceen dadka la qorayo ciidamada iyo fidinta fikradaha xagjirnimada.
Geesta kale waxa ay sheegtay in dhaqdhaqaaqyadani ay xagaldaacinayaan dadaalada ciidamada Somaliland ka sameeyeen ilaalinta sharciga iyo kala danbaynta, sidookale waxay sheegtay in ay kor u kacday nabadgalyo darada iyo fidinta fikradaha xagjirnimadu taasi oo khatar ku ah amaanka Somaliland iyo gobolka.

Qoraalka waxa lagu sheegay in Somaliland ay qaadi doonto talaabooyin adag oo ay kaga hortagayso kooxahan ay sheegtay in ay Laascaanood soogaleen, waxayna beesha caalamka ka codsatay caawimo.