Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Akhris-Qoraalka ayaa lagu xusay qabtay magaaladda Hargeysa

Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Akhris-Qoraalka ayaa lagu xusay qabtay magaaladda Hargeysa, muhiimadda munaasibadana ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa, akhriska iyo qoraalka.

Munaasibadan lagu xusaayay akhriska iyo qoraalka ayaa waxa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, shaqaalaha wasaaradda iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha waaxda waxbarashada dadban ee wasaaradda waxbarashada Axmed Ismaaciil Cabdi, agaasime ku xigeenka waaxda waxbarashada dadban Maxamed Axmed Cali iyo agaasimaha waaxda dheelitirka mudane Jaamac, waxaanay tilmaamin xuskan iyo qiimaha uu leeyahay.

Geestooda waxaa halkaas ka hadlay gudoomiye ku xigeenka waxbarashada gobolka maroodi jeex Saleeban Siciid Saleebaan, gudoomiyaha degmada hargeysa Aamina casayr magan, sheekh cumar oo kamida gudida tacliinta sare , maamulaha dugsiga sare ee maxamed mooge iyo qaar kamida ka soo qayb galayaashii munasibadan.

Wasiirku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Cabdixakiin Siciid Muuse iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdirisaaq Jaamac Nuur, oo gunaanadkii munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu ay kor u qaadayso akhriska iyo qoraalka bulshada.