Xukuumaddu waxay ku dhawaaqday in ay joojisay wax-ku-iibsashada lacagaha qalaad, laakiin go’aankani ma hirgeli doonaa?

Shir-saxaafadeed wadajir ayaa Isniintii ay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ku qabteen Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, Wasiiru-Dawlaha Maaliyida Cismaan Saxardiid Caddaani, Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim, Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cabdillaahi Xaaji Jaamac Cali, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Siciid Shukri iyo xubno ka tirsan ganacsatada waaweyn ee Somaliland.

Xubnahan Golaha Xukuumadda u qaabilsan arrimaha dhaqaaluha oo ay ka muuqatay in ay dedaal badan gelinayaan sidii ay wax uga qaban  lahaayeen qiimaha sarifka ee kor u socda, waxay shaaciyeen in ay go’aamiyeen in Shillinka Somaliland oo kaliya wax lagu iibsan doono isla markaana la joojiyey wax-ku-iibsashada lacagaha qalaad, sida Doollarka Maraykanka iyo Birr-ta Itoobiya.

“Waxan isla garanay in masaakiinta shaqaalaha u badan ee musharkoodu yahay $100, boqolkiina maanta lixdan sii cagagaynayo aan wax ka qabano oo dhinac looga soo wada jeedsado” ayay tidhi Marwo Samsam.

Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim ayaa sheegay go’aanka ay gaadheen in uu hirgalayo Salaasada (26 May).

“Go’aankani (joojinta lacagaha qalaad) wuxu hirgelayaa isla berito. Ciddii u hoggaansami waydana sharciga ayaa lala tiigsan doonaa” ayuu yidhi Wasiir Muuse.

In badan oo ka mid ah dhaqaalyahannada Somaliland oo aanu wax ka waydiinay sida ay u arkaan go’aankan ayaa tibaaxay in lacagta dalka oo la isticmaalaa ay u wanaagsan tahay kobaca dhaqaalaha iyo xakamaynta sixir-bararka. Waxayse shaki ka muujiyeen khalkhal suuqyada ku iman kara haddii aan fulinta go’aankan si weyn looga baaraan degin isla markaana aan wakhti aad ugu filan la siin dadweynaha.

Su’aal muhiim ahi waxa weeyi waa maxay saamaynta taban ee go’aankani suuqyada iyo ganacsiga Somaliland ku yeelan karaa?

Ilaa inta aan ognahay weli ma jirto daraasad rasmi ah iyo cilmi-baadhis xukuumaddu soo bandhigtay  oo muujinaysa sida uu go’aani nolosha dadka wanaag ugu horseedayo iyo sida looga durki karo khalkhal dhaqaale oo curta.

Dhanka kale, wasiirrada shirka jaraa’id qabtay ma ay soo bandhigin xeerka ama siyaasadda dawliga ah ee ay go’aankoodan u cuskadeen.

Maaha markii u horeysay ee xukuumaddu isku daydo in ay niyadjebiso isticmaalka Doollarka.  Bishii April ayay xukuumaddu isku-daygii koowaad ku abbaartay shariikadaha Telesom iyo Somtel iyadoo ka dalabtay in Zaad-ka iyo E-Dahabka lagu isticmaalo lacagta Somaliland oo kaliya taas oo shariikaduhu ka gaws-adaygeen laakiin markii dambe ogolaadeen in labada lacagayowba la is barbar wado.

Muddo aad u dheer dhaqaalaha Somaliland wuxu ku salaysnaa Doollarka. Inta badan marka wax la kala iibsanayo qiimaha alaabaha waxa lagu sheegaa doollar ahaan. Sidoo kale dadka Zaad-ka wax ku iibsadaa waxay adeegsadaan Doollar, dadka kaashka isticmaalana in badan oo ka mid ahi waxay adeegsataa Doollar. Taasi waxay hawl adag ka dhigaysaa in hal habeen oo kaliya lagu beddelo nidaamkii dhaqaale ee muddo dheer soo taxnaa.

Haddii uu go’aankani sidaa ku hirgalo wuxu noqon doona guul xukuumaddu gaadhay, haddii kalen wuxu noqon doonaa isku day wanaagsan oo fulintiisii dariiq qaldan loo maray. Muddooyinkan soo socda ayuu suuqu inoo kala caddeyn doonaa sida ay wax noqdaan.

Hoos ka daawo shir-saxaafadeedkii oo muuqaal ah:

 

 

bandhige@gmail.com