Waxa maalmahan Shiinaha iyo Maraykanka buuq ka dhex dhaliyey diyaarad drone ah oo neeceedu yahay UUV oo dhacday iyadoo maraysa badda Koonfurta kaga beegan Filibiin taas oo meelo ka mid ah ay ku muransan yihiin Shiinaha iyo Filibiin.
Diyaaraddan ayaa dhacday, waxaanay quustay badda. Waxase soo saaray markab Shiinuhu leeyahay oo badda ku sugnaa. Waxay arrintaasi ka cadhaysiisay Maraykanka iyadoo madaxweynaha la doortay Donald Trump-na uu ku sifeeyey Shiinaha tuug xadday diyaaraddii Maraykanka ee Drone-ka ahayd.
Hase ahaatee xalay ayaa xukuumadaha Maraykanka iyo Shiinaha ay labaduba shaaciyeen in is-af-garad laga gaadhay soo celinta diyaaraddaas oo ku jirta gacanta Shiinaha afar maalmood.
Dhawr jeer oo hore ayaa Shiinaha looga shakiyey in uu qaatay diyaarad drone ah oo Maraykanku leeyahay si uu uga dheegto farsamada Maraykanka ee diyaaraddan, hase yeeshee hadda ka horow laguma helin caddayn sugan.
Shiinaha iyo Maraykanka ayaa maalmahan dambe xidhiidhkoodu soo xumaanayaa kadib markii madaxweynaha la doortay ee Maraykanku uu dhawr jeer aflegaadeeyey Shiinaha isagoo ku hanjabay in uu joojin doono wax-soo-saarka ay warshadaha Maraykanku su sameeyaan Shiinaha dhexdiisa.
Il-wareed: Wakaaladaha Wararka
Bandhige@gmail.com