Xukuumadda Somaliland oo Beenisay Warar Laga Faafiyay

Hargeysa (Dawan) Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed ayaa beeniyay warar laga faafiyay kulan Madaxweynuhu la qaatay gudida dan iyo duco.

Cabdilaahi Xuseen Maxamed ayaa sheegay in kulanka ay wada qaateen Maxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu ku soo dhamaaday isfaham buuxa iyo wada shaqayn wanaagsan,isla markaana aanay waxba ka jirin in kulankaa lagu kala kacay.

Wasiir ku xigeenka oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi.”Maanta (shalay) subaxnimadii qasriga Madaxtooyadda waxa ku kulmay Madaxweynaha Somaliland iyo gudida horumarinta dan iyo duco,anaguna waxa aanu ka mid ahayn xubno golaha Wasiirada ka mid ah oo goobjoog ahaa.waxaana lagaga hadlayay arimo qaran iyo danta guud qodobadii laysla soo qaadayna waa laysla afgartay, meel wanaagsan oo aan turxaan lahayn ayaa la dhigay,waxaana fajiciso igu noqotay beenta wareegaysa Facebook-ga oo lagu leeyahay Madaxweynaha iyo gudida dan iyo duco way kala kaceen.waxaanan shacabka Somaliland u sheegayaa in ay tahay been aan sal iyo raad la hayn oo aanay waxba ka jirin in lagu kala kacay kulankaa ay wada qaaateen Madaxweynaha iyo gudida dan iyo duco.sababtoo ah anaga ayaa fadhinay oo goob joog ahayn waana arin aanay waxba ka jirin,”.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com