Guddoomiyaha UCID oo Bulshada JSL ka Waaniyay Aafada Qabyaaladda

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysay Cali Waraabe, ayaa bulshada reer Somaliland ku waaniyay in ay ka fogaadaan qabyaalada, isla markaana ay doorashada inagu soo foolka leh ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto 13-ka November aanay cidna ku dooran reernimo.

Sidoo kale waxa uu bulshada kula dardaarmay in ay wanaaga iyo horumarka dalka u midoobaan, kana baxaan kala qaybsanaanta iyo wax kasta oo keenaya inay bulshadu kala fogaato.

Geesta kale waxa uu sheegay in dhawwaan la saxeexayo heshiiskii is-fahan ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ay wada gaadheen, waxaanu xusay in dekedda Berbera ay noqonayso mid u adeegta wadamada geeska Afrika.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysay Cali Waraabe oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maalintaad codaynaysaan how codeynina yaa reer hebel ah ee waar yaa wax qaban karaya, oo iimaan leh oo ILLAAHEY ka baqaya oo bulshada mideynaya ha loo codeeyo, ILLAAHEY madaxweyne khayr qaba haynoo soo saaro, gacantiina ayuu ku jiraa codku.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysay Cali Waraabe waxa kale oo uu intaasi ku daray “Heshiiskii is fahan ee Somaliland iyo Itoobiyana waa la saxeexayaa, dekedda Berbera waxa ay u shaqayn doonta Sudan ilaa dalalka Geeska Afrika oo dhan.”

Eng. Faysay Cali Waraabe waxa uu ku baaqay in la sameeyo sanduuq dhaqaale oo lagu taageerayo ciidamada qalabka sida ee Somaliland, waxaanu yidhi “Ha la sameeyo sanduuqa taageerada ciidamada Qalabka sida ee Somaliland, mushaharka ayaynu u kordhin doona, waxaynu ka dhigi doona meel loo soo tartamo, dib u habayn ayaa la sameyn doona haddii ALLE yidhaahdo.

Bulshada waxaan leeyahay u midooba cadowgiina, sababta oo ah markii Itoobiya tidhi ‘Somaliland ayaan aqoonsanaya xataa kuwii hurday ee dowladda Soomaaliya ayaa jiifka ka soo kacay.”

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com