Golaha Guurtida oo Ansixiyay Xeerka Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida

Hargeysa (Dawan) Mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland ayaa ansixiyay Xeerka Garsoorka ciidamada qalabka ee JSL, oo muddooyinkii u danbeeyay horyaalay golaha, isla markaana ka soo gudbay golaha wakiillada, oo guddoomiyaha golahaasi u saaray guddi soo naaqishta, wax ka beddelka iyo kaabisna ku soo sameysa.

Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii uu goluhu furmay waxa uu guddoomiyaha guddi hoosaadka nabadgelyada, arrimaha gudaha iyo difaaca ee golaha guurtida Mudane Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed, ka codsaday in wax ka bedelkii iyo kaabistii ay ku soo sameeyeen xeerka golaha uu la wadaago.

Intaas kadib xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed (Ilkacase), ayaa mudaneyaasha golaha guurtida la wadaagey wax ka beddelkii ay guddidoodu ku soo sameeyeen xeerka garsoorka ciidamaa qalabka sida ee Somaliland, waxaanu golaha ka codsaday in xeerkaasi ay meelmariyaan.

Guddoomiyaha Golaha Guurtidas Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadasn ayaa intaasi kadib cod geliyay xeerka, isla markaana ku dhawaaqay tirada mudaneyaasha u codeeyay, waxaanu sheegay in golaha ay ka soo xaadireen 44 Mudane, 40 mudane ay ogolaadeen, 3 Mudane ay diideen, isna aanu codeyn sidaasina uu ku ansaxay xeerka garsoorka ciidamada qalabka sida ee Somaliland.

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com