Somaliland iyo Taiwan Dhinac Ayay Isku Qadiyad ka Yihiin” Safiirka Somaliland u Fadhiya Taiwan

Hargeysa (Dawan)- Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Ambassador Maxamed Cumar Xaaji ayaa ka waramay waxyaabaha ay Somaliland ka faa’iiday xidhiidhka ay la leedahay dalka Taiwan, xidhiidhkaasi oo dhisnaa muddo ku siman afar sannadood.

Safiirka Somaliland ee Taiwan ayaa sharraxaad ka bixiyay nooca heshiis ee ay kala saxeexdeen labada dal ee Somaliland iyo Taiwan oo uu sheegay inuu yahay mid ku dhisan iskaashi iyo is caawin.

Safiir Maxamed Cumar Xaaji ayaa ku dheeraaday faa’iidada uu u leeyahay Somaliland xidhiidhka dawladda Taiwan, waxaanu xusay in ay Taiwan Somaliland ka taageerto dhinacyada waxbarashada, Caafimaadka, wax-soo-saarka iyo dhinaca kheyraadka Macdanta.

Safiirka ayaa sheegay in arday aad u tiro badan oo reer Somaliland ah ay deeq waxbarasho oo bilaash ah ka heleen dawladda Taiwan, halkaasina ay wax ka bartaan, waxaanu sheegay in ay dawladda Taiwan kafaalo qaaday dhammaan baahiyaha ardaydaasi, ardaydan ayaa uu sheegay in ay baranayaan dhammaan culuumta kala duwan ee lagu bixiyo jaamacadaha dalkaasi, waxaanu xusay inay u kala qaybsan yihiin qaybta Master-ka iyo qaybta PHD-da oo ay aqoonyahan badan ka soo aflaxeen hadda oo ay dalka ka shaqeeyaan, kuwo kalena ay hadda ku jiraan.

Ambassador Maxamed Cumar Xaaji ayaa sidoo kale ka waramay in Somaliland ay ka faa’iiday Taiwan dhinaca Caafimaadka oo uu sheegay in dawladda Taiwan ay xoog uga taageerto Somaliland dhinaca Caafimaadka, waxaanu xusay in ay Cisbitaaladda dalka ugu waawayn ay ka hir-galiyeen marshuuca xogta bukaanka kaasi oo ay ku kacayaan malaayiin Dollar, waxaanu ka caawinayaan Cisbitaaladda inay qofka hal mar kaliya baadhaan oo system-ka la galiyo haddii bukaanku mar kale soo noqdo xogtiisii la hayo.

Safiirka ayaa sidan uga waramay waraysi uu siiyay muuq baahiyaha MM TV waxaanu ku dheeraaday taageerada ay dawladda Taiwan ka gaysato Somaliland oo uu xusay mashruuca sahaminta shidaalka oo uu sheegay inuu meel fiican marayo laguna rajo wayn yahay in lagu guulaysto soo saaristiisa.

Safiir Maxamed Cumar Xaaji ayaa sidoo kale ka waramay qadiyadaha ay wadaagaan dawladaha Somaliland iyo Taiwan, waxaanu sheegay inay dhinac isku qadiyad ka yihiin oo ah dhinaca ka maqnaanshiyaha kursiga UN-ka oo ay labadooduba ka maqan yihiin halgana ugu jiraan iyo in labada dal ba ay cidi sheeganayso oo ay leeyihiin anaga ayaad naga mid tihiin, balse Safirka ayaa xusay inay qadiyadaha kale ku kala duwan yihiin waxaanu yidhi “Taiwan iyo Somaliland dhinac waa iskaga qadiyad. Dhinaca ay isaga qadiyada yihiin waxa weeye in ay ka maqan yihiin kuraasta UN-ka iyaguna kursi kuma laha, inaguna kursi kuma lihin, dhinacaasi iskaga qadiyad baynu nahay, labada dalba cid kale ayaa sheeganaysa, taana qadiyadaasi dhinac baynu ka wadaagnaa, laakiin inta kale oo dhan waynu ku kala duwan nahay.

Hadda Somaliland waxa ay doonaysaa inay ku biirto UN-ka iyo inay adduunyadu u aqoonsato dal madax-banaan, oo ka madax-banana cid kale oo dhan, Soomaaliyana aan ka mid ahayn, markaa waxa aynu nahay wadan xor ah oo gaar u taagan oo aan cidna ka mid ahayn balse Taiwan way ka duwan tahay oo waxa weeye iyaga dastuur ahaa waxa ku qoran dawladda rasmiga ah ee ummadda Shiinuhu waa ta fadhida Taipei”.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com