WEEDHA WARGEYSKA: Dhoola-tuskii Ciidanka ee Xuska 18 May wuxuu ka Jawaabay Dareen Bulshada JSL qabtay

Qaran kasta oo adduunka ah wuxuu ku taamaa, kuna tamar sheegtaa quwada iyo qiimaha Ciidamadiisa difaaca oo ah haybadda iyo hirrarka kaga gudban cadowga.

Marka la jooggo loollanka iyo nidaamka caalamiga ah waxa ugu horeeya ee laysku tixgeliyo ama lagu kala dambeeya waxa weeye awoodda milateriga iyo sida loogu kala horumarsan yahay, taasina waa sababta ay dhamaan Dawladdaha dunidu dhaqaalaha iyo tacabka ugu badan u geliyaan Hay’addaha difaaca iyo Wershadaha soo saara saannadaha kala duwan ee gulufka iyo gabboodka loo isticmaalo.

Wakhti xaadirkan waxa ay qaramadu ku tartamayaan oo ay hanti badan geliyaan casriyeynta tayada Milateriga iyo sidii ay dhanka Tiknoolajiyada uga horumarin lahaayeen Ciidamaddooda iyo qalabka ay isticmaalaan. Sababta ay sidaasi u yeellayaan waxa weeye adduunka Waddanba waddanka uu ka awood badan yahay dhinaca Milateriga ama dhanka gaashaan-dhiga ayuu ka weedh iyo warran toosan yahay. waxaana dal kasta oo quwad Ciidan leh loo tixgeliyaa mustawe caalami ah iyo mid maxali ahba, iyadoo ay Dawladdaha qaarkood maanta marayaan inay iyagu Bilays ka noqdaan Caalamka, meel kasta oo nabad-gelyo darro ka jirtana ay farogelin milateri ku samaynayaan, iyadoo aanay fasaxin Jimciyadda adduunku ku midoobay.

Marka aynu haddaba tusaalahaa dheer u soo qaadanay doorka iyo kaalinta ay Waaxda difaacu ku leedahay jiritaanka Qaranimo, Dalkeenan Jamhuuriyadda Somaliland horumarka iyo qalabeynta lagu sameeyey Ciidamadda qalabka sida waxa muuqata inuu meel sare marayo, isla markaana aanu wax hoos-u-dhac ah iyo gaabis toona ku iman dagaal kasta oo aynu galnay. Bulshada Somaliland waxa si weyn u deeqay oo yuhuuntooda iyo yihdiddiiladooda aad u cariyey dhoola-tuskii ay Ciidamada kala duwan ee Qaranku ay soo bandhigeen xuskii sanad-guurrada 33-aad ee markii aynu la soo noqonay qaranimadeenna, taasoo 18-kii bishan May looga dabaal-degay dalka iyo dibadaba.

Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay kala jooggaan yar iyo weyn waxay maalintan si weyn u dhowrayeen ama ay isha ugu hayeen dadku baaxadda iyo quwadda Ciidanka iyo gaadiidka lagu soo bandhigi doono munaasibada xuska, gaar ahaan caasimada Hargeysa oo ay xafladda ugu weyni ka dhacaysay miisaanka iyo muuqaalka Ciidanka maraya waddooyinka ee madaxweynaha Salaanta ka qaadanaya. Tafsiir badan uma baahna sababta isweydiinta iyo dareenka noocaas ah dhaliyey oo waxa qof walba quluubtiisa saameyn ku yeeshay dagaalkii cuslaa ee uu ciidanku galay sanadkii hore, kaasoo ay shacbigu eeggayeen inuu hoos u dhac iyo xaggal-daac ku abuuray Ciidamada Qaranka iyo in kale. Waa hubaal in niyad-jab iyo walaac ku dhici lahaa bulshada haddii ay dacfi iyo wadeeco ka dareemi lahaayeen Ciidankooda,taas bedelkeedana uu farxi lahaa cadowgu, hase yeeshee muwaadiniinta reer Somaliland waxay helleen jawaab yihdiddiilo iyo reyn-reyn hor leh gelisay, kaddib markii ay indhahoodu ka bogteen Ciidan billi iyo burhaan leh iyo saanad baaxad iyo bidhaan leh. Haa taas ayaa cadow badan oo buuq iyo been ku hadaaqi lahaa maalmahan ka nixisay oo afka Ood ka saartay.

Sidaas darteed, iyadoo ay guul iyo farxad weyn inna gelisay farriintii ay Ciidankeenu ku soo gudbiyeen fagaarihii dabaal-degga, waxa mar walba muhiima inaynu shacab iyo dawladba garab-taagnaano gaashaan-dhiggeenna oo aynu dhaqaale, aqoon iyo xoogba ku taageerno. Xukuumadda Somaliland ee uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi-na waxa xaqiiqo ah inay geed sare iyo hoose ba ugu joogto dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Qaranka, iyada oo tacabkii ugu badnaa gelisay todobadii sannadood ee ay talada haysay.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com