Xukuumadda Somaliland, ayaa dhibaatada sicir-bararka iyo korodhka maciishadda quutal-daruuriga ah ee silica badday danyartii dalka ku tilmaantay mid gobolka Geeska Afrika oo dhan ka jirta oo saamaysay.
Wasiiru-dawlaha wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo Telefishanka Star la hadlay, ayaa si cad u sheegay inaanay jirin dhibaato kale oo loo cuskaro karo sicir-bararka iyo qiime korodhka maciishadda ku yimi, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi:
“Beryahan dambe sicir-bararka iyo maciishadda oo kolba sare u kacdaa waxa ay ka jirtey guud ahaan geeska Afrika oo dhan, arrimahan ganacsiguna had iyo jeeraale ma aha wax jaan go’an oo meel jooga, ganacsataduna alaab bay soo iibsataa marba qiimo ayaa lagaga soo iibiyaa, qiimihii lagaga soo iibiyey ayey halkanna qiimihii ay kaga baxaysay kaga baxdaa.”
Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu sidii caadadada masuuliyiinta ahayd xusay inay jaan goyn doonaan qiimaha waxyaabaha kala duwan ee ganacsatada dalku soo dhoofsato, kuwaas oo ay wasaaraddiisu horeba u sheegtay balse aan hadal wax dhaafsiisan loo geysan, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Wasaaraddayada waxa nooga qorshaysan inaanu jaan goyno oo aanu isha ku hayno in ganacsatada kuwa jumladda keenaya iyo kuwa tafaariiqda bixinayaaba inaanay quutal daruuriga dadka cidhiidhi ku gelinin oo aanu xaqiijino qiimeyaasha oo aanu nin waliba wixii uu doono wax ku iibinin.”
Xukuumadda, ayaan weli qaadin wax tallaabo ah oo ay wax kaga qabanayso sicir-bararka baahsan ee dalka ka jira, waxana haatan xaaladdu gaadhay inuu lumi qiimihii shilinka Somaliland, isla-markaana uu qiimihii wax lagu kala iibsanayey saacad saacad isku beddelo, maadaama oo uu Dollarkii kor usii socdo.
Xigasho: Hubaal Media.